M/weyne Muuse Biixi oo Gurigiisa Martiqaad Casho sharaf ah ugu sameeyay M/weynihii hore ee S/land  Daahir Riyaale Kaahin
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Gurigiisa magaalada Hargeysa caawa Martiqaad Casho sharaf ah ugu sameeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo dhawaan dalka dib ugu soo noqday.
Kulankan ayaa ah kii koobad ee Madaxweyne Muuse Iyo Madaxweyne hore Daahir wada qaatan tan intii uu dalka dib ugu soo laabtay Madaxweyne hore Daahir Riyaale Kaahin 18 July ee sanadkan isagoo muddo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Kulanka Labbada Madaxweyne oo goor soo dhamaaday ayaa la ii sheegay in Kulanku u badnaa soo dhawaynta Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ee dib ugu soo noqashadiisa dalka oo muddo uu safar kaga maqnaa.
Ilo xog-ogaal ah oo ka agdhow Madaxweynaha Somaliland oo ii xaqiijiyay xogta Kulankan ayaa ka gaabsaday inay Faahfahin iga siiyan waxaayabaha kale ee ay ka wada hadleen Labbada Madaxweyne intii uu Kulanku socday.