Writen by Qaran News |

Ma-hadhooyinkii Shalay Muuse Biixi & salaadiinta Guurguurta ee Garxajis dhexmartay+Muuuse Biixi oo dabin horle isku qarxiyey

 

Hargeisa-(Qaran-news)-Sida Akhristayaasha intooda badani ka daalacdeen Warbaahinta maxalliga ah waxa ku qabsoomay Guriga Madaxweynaha la doortay Kornayl Muuse Biixi cabdi Shalay Subax kulan ay Goroda isdareen laba dhinac.

Kornaylka,Wasiirada & Kaadiriinta Xisbiga & Xukumada Kulmiye kaga jira Beesha Garxajis oo iskudhinaca & Dhinaca kale oo ay ka soo jeedeen  Salaadiinta Guurguurta,Odayaal,Suuq-joog  & Afku-maallo ka soo jeeda Beesha Garxajis oo ay budhtuur u ahaayeen Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Kulankan oo ahaa Mid muddo laga shaqeynaayey abaabulkiisa ayaa haddana noqday  mid saameyn yar marka laga qiyaas qaato ama halbeeg laga dhigto Dareenka Labeenta & Hal-doorka Beelaha Garxajis oo aan gebi ahaanba soo dhaweyn,lana dhacsanayn kulankan & Qodobo lagu soo hadal qaadey,Halka Beelaha  Isbahaysiga Jeegaanta & Warbaahinta taageertaa Xukumada Kulmiye aad u buunbuuninayaan.

Yeelkeede Waxa Kulanka oo  muddo saacado ah socday laysku weydaarsaday Hadallo Cabasho & iska-Difaac u badan,inkastoo oo aan kaftan siyaasadeed & Mid dhaqana ka madhnayn.

Haddaba sheekooyinkii ugu xallada iyo xanafta badnaa ee ka dhacay Madasha waxaa ka mid ahaa mid si lama filaana uga dhex tafatay Madaxweynaha la doortay Kornayl Muuse Biixi & Xubin ka tirsan Dawlada Hoose ee Hargeysa oo metelaayey Xubnaha Beesha Ciidagale  Kulanka ku metelaayey oo Magaciisa la yidhaahdo Oday Cabdi Waraabe.

Xikmad Somali baa ah “Nin Durbaan tuntay ilaaq dalbaye” Madaxweynaha la doortay Kornayl Muuse Biixi oo doonayey inuu halkaas ku soo afjaro Xanafta & Cabashada hadal baxay oo uu hore u sheegay in Cukuse faafiyey ayaa qirtay in Isaga iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Door shariifa ku lahaayeen Dagaalkii Beelaha Jeegaantu ku qaadeen Beesha Garxajis sanadkii 1994-kii ee ka dhacay Burco & Hargeysa balse isaga keligii lagu shaanbadeeyay oo Beesha Garxajis si gaara u bartilmaameedsato,Ina Cigaalna sawirkaa laga leexiyey.

Markii hadalkaasi afka Madaxweynaha la doortay Kornayl Muuse Biixi ka soo dhamaadey ayaa waxaa u baxay oo hadalkii la wareegay Oday Cabdi Waraabe oo qiray qadiyadaas & hadaladaa Kornaylku ka cawday ee ku saabsan dagaalada sokeeye inay siduu u sheegay u jiraan “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayee debci qorigu ha I faro”,Wuxuuna Oday Cabdi waraabe intaas ku daray in  Muuse & Ina Cigaal Dagaalkii Sokeeye ee dalka ka dhacay 1994kii ku suntan yihiin.

Balse Oday Cabdi Waraabe wuxuu qasadkii hadalkiisa ku soo afmeeray in inkastoo Beesha Garxajis lagu xanto Hunguriga,Haddana Maxamed Xaaji  Ibraahin Cigaal oo Beesha Habar yoonis Abti u tahay  ahaa Nin deeqsiya taas darteedna Habaryoonis dabooshay oo asturtay ceebtiisii & Doorkii uu ku lahaa dagaalkii Sokeeye,Halka Kornayl Muuse Biixi yahay Bakhayl aan laga bakheylsaneyn Taas darteedna Ciidagale oo Abtiyaashii ahi ceebtiisa Dabooli kari waayeen “Allayle Bahdii Sooryada ee madashay qoomaartaa quusatey”.

Markay Sheekadu halkaa marayso ayaa  Sacab iyo Guux yeedhay, Cukusena Qosol  & Dhoola cadeyn la bilaabay oo istareexay ilayn hadalkii & Halku dheegii uu ka faafiyey Muuse Biixi ayuu markhaati u helaye!.

Tibaaxo kale la soco ..

Qarannews