Ma jiro khilaaf ka dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka & Ururada Siyaasada,Waxa Xisbiyada Mucaaridka & M/weyne Biixi isku hayaan waa Doorashada Madaxtooyada……Mujaahid Cali Guray

GAROOY GARO DAA OO GARDARADA DAA
Ma jiro khilaaf ka dhexeeya ururada siyaasadda iyo xisbiyada mucaaridku. Xisbiyada mucaaridku keliya waxay isku haystaan Madaxwaynaha Doorashadii Dhamaan saamilaydu ay ku heshiiyeen wixii lagu qaban lahaa oo dhamina ay ilaa wakhtigaa diyaarka u ahaayeen.

Sadexdii doorasho ee Madaxwaynuhu balan qaaday in sanadkan ay qabsoomayaan tii ugu horayn lahayd waxay ahayd doorashadii guurtida oo sidii uu balanqaaday madaxwaynuhu bishii January laga filayay xeerkii lagu dooran lahaa uu isagu iskii uga noqday. Doorashadaasi waxay mudaysnayd bishan May 31 keeda.

Doorashada labaad ee ku xigtay waa tan ay madaxwaynaha iyo labada xisbi ee mucaaridku isku khilaafsan yihiin qabsoomiddeeda ee mudaysan 13 November. Ururadu ka mid may ahayn saamilaydii doorashadan oo may jirin ilaa maantana ururo sharci ah oo buuxiyay shuruudihii ururnimadu ma jiraan. Taasi waa hawl u taala Guddida Kala Saaridda Ururada oo aan ilaa hadda bilaabin diiwaangelintii ururada cusub.
Hawlaha u yaala ururadu waa in marka hore ay iska diiwaangeliyaan Xafiiska Guddida Diiwaangelinta ka dibna u hawlgashaan sidii shuruudaha ururnimada ay u dhamaystiran lahaayeen. Ugu dambaysta waxa ururo rasmiya noqonaya intooda buuxisa shuruudaha oo Guddida Diiwaangelintu oo malaha ay dhex u wada arkaan ururadu. Hadaba ururada ka soo dhex bixi doona ururadan lagu dhawaaqay marka Komishanka doorashooyinku helo liiskooda ha joogto balse inta ka horaysa waxay xisbiyada mucaaridka iyo iyaga wax ka dhexeeyaa ma jiro balse ururo aan ururo ahayn ee Muuse Biixi dabada riixayo iyo kuwa rasmi ay ka tahay waxa lagu kala garan mawaaqiiftooda dhexdhexaadnimada mucaaridka iyo xukuumadda weliba codadka ay shacbiga ka quuddaraynayaan way saamaynaysaa.

Ugu dambaystii saansaanka aan arko Somaliland, Allah ha sahlo eh, sida uu Madaxwayne Muuse wax leeyahay ama damaciisu yahay u malayn maayo in wax doorasho ah oo heshiis lagu yahay ay dalka ka qabsoomi doonto eh iyadana xisaanta ha ku darsadaan ururada xiiqsani
ELECTIONWATCH
CALIGUREY

W/Q Mujaahid Cali Guray