Ma La odhan karaa Fursad muhiim u ahayd Proff Samater ayuu ka lumiyey Madaxweyne Biixi, cashar noocee ah ayuuse ka baran karaa Fashilkii Hiil Qaran

Axmed Ismaaciil Samater oo ah Aqoonyahan si weyn loogu ixtiraamo dhinaca aqoonta, ayaa soo galay siyaasadda Soomaalida horaantii 2010-kii, markaa oo uu aad u danaynayey inuu qayb ka noqdo Siyaasaddii Somalia iyo arrimihii doorashooyinka ee wakhtigaasi ka taagnaa Somalia.
Waxa uu noqday oo uu Guddoomiyaha Urur siyaasaddeedkii Hiil qaran ee ka jiray Somalia, kaas oo ay bahoobeen Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin reer Somalia ah.
Axmed Ismaaciil Samater, waxa uu noqday Murrashax u tartamay Xilka Madaxweynenimo ee Somalia, waxaanu olole xooggaan u galay sidii uu noqon lahaa Madaxweynaha Somalia ee doorashadii 2012-kii, balse weji gabax ayuu kala kulmay doorashadaasi markii uu helay 8 cod oo keliya.
Proff. Samater ayaa lagu tilmaamay in weji gabaxaas ay sababa u ahayd in aanu odorosin nidaam siyaasaddeed ee Somalia ka jiray wakhtigaasi iyo duruufaha taagnaa amma Somalia ku dhaqanto ee habka awood qaybsiga. Inkasta oo uu ku ololeeyey qodob saldhig u ahaa waxqabad uu doonayey inuu sameeyey, haddii la doorto, balse taasi waxa ka xoog weynaa dhaqanka siyaasaddeed ee ka jira Somalia iyo qaab doorashadooda ah mida dadban.
Ka dib guul daradii siyaasaddeed ee ka soo gaadhay Samater Muqdisho, waxa uu go’aansatay inuu ka laabto mowqifkiisii siyaasaddeed ee uu muddada dheer ku ololaynayey ee ahaa Somaliweyn iyo aragtiisii uu kaga soo horjeeday madax bannaanida Somaliland.
2013-dii ayuu dib ugu soo laabtay Axmed Ismaaciil Samater Somaliland, iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka, isaga oo wakhtiyadaas si weyn uga hadli jiray aqoonta iyo waxyaabihii uu Somalia kala soo kulmay iyo sida halkaas aanay uga jirin wax wada lahaansho.
Badhtamihii 2016-kii ayuu si rasmi ah u shaaciyey inuu soo galay siyaasadda Somaliland, ka dib muddo saddex sanno ku sinaa oo uu sheegayey inuu saddexda Xisbi qiimeynayo midkoodna ku biirayo, waxaanu aakhirkii sheegay inuu Kulmiye ku qancay siyaasaddiisa iyo murrashaxiisii wakhtigaasi Muuse Biixi Cabdi “Markaan hufay waxaan gartay in kulmiye yahay meel aan fadhiisan karo” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samater, oo markaas toos cagaha ula soo galay siyaasadda Somaliland, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaannu ku heshiinay wada yeelashada xisbiga iyo xukuumadda la dhisayo marka la guulaysto”
Intaas wixii ka dambeeyey waxa uu si weyn ugu ololeynayey in la doorto Murrashaxii Kulmiye ee Muuse Biixi Cabdi ahna imika Madaxweynaha Somaliland, isaga oo qayb libaax leh ka qaatay Barnaamijkii Kulmiye ku galay doorashadii 2017-kii.
Axmed Ismaaciil Samater, ayaa si lama filaan ah iskaga dhex waayey Xukuumaddii u horreysay ee uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ka mid ahaa Xubnihii la saadaalinayey inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirrada, balse taasi ma dhicin. Inkasta oo Wasaaraddo la sheegay inuu danaynayey in loo magacaabo loo sheegay in aan loo hayn, kuwii loo soo jeediyeyna ka cudur daartay.
Fursadan ka luntay ee uu kaga mid noqon waayey Golihii Wasiirada ee Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dadka ka faalooda arrimaha Siyaasaddu tilmaamaan in ay u ahaan lahayd mid laga tijaabin lahaa hoggaamintiisa iyo kartidada inta badan uu sheegay in looga baahan yahay siyaasiga Soomaaliga ah.
Sidoo kale, haddii uu fursadan heli lahaa waxa la sheegaa inuu wax badan ka baran lahaa, isla markaana fahan badan uu ka qaadan lahaa hab-dhaqanka siyaasaddeed ee Somaliland ka jira.
Waxa kale oo fursadani u siin lahayd Madaxweyne Biixi, haddii isfaham iyo wada shaqeyn dhex mari lahayd in Xisbiga Kulmiye hoggaankiisa inuu ka mid noqdo uu kala shaqayn lahaa
Dhawaan ayuu Proff. Samater Hargeysa kaga dhawaaqay Urur-siyaasaddeed cusub oo Hilaac la yidhaahdo, kaas oo ka mid ah Ururrada Siyaasadda ee muddooyinkan dambe lagaga dhawaaqayey Somaliland.
Axmed Ismaaciil Samater, ayaa ururkiisani la kulmi karaa duruufo la mid ah kuwii uu kala kulmay Ururkii uu guddoomiyaha ka ahaa ee Muqdisho ka jiray ee Hiil Qaran, inkasta oo Somaliland ay si weyn uga duwan tahay Somalia, oo ay tahay waddan ay ka dhacaan doorashooyin toos ah oo shacabku qofka ay doonayaan doortaan, haddana nidaamka deegaamaysigu waa mid inta badan Xisbiyadu ku aasaasan yihiin, Ururraduna ku aasaasi karaan in ay guullo u gaadhaan.”
Faaladan waxa qoray Saleebaan Xaashi Saxansaxo