Anigu waxaan leeyahay in dadkaa reer Sanaag in la aflagaadeeyo, inaan waxba loo qaban iyo in la hafro saddexdaa la iskugu daro maaha

“Ma Qabo in Gobolka Sanaag 23% la geliyay horumarkii qaranka, ma jiro xog ururin ay xukuumadu inala wadaagtay ee hadalkaasi wuxuu ahaa gole ka fuul.
Maaha in la aflagaadeeyo dadka Gobolka Sanaag oo la dhaho dhuxul baad shidataan, ee dawlada ayaa Masuul ka ah oo laga doonayay inay gacanta wax kaga qabo wixii dhib ah.
Anigu waxaan leeyahay in dadkaa reer Sanaag in la aflagaadeeyo, inaan waxba loo qaban iyo in la hafro saddexdaa la iskugu daro maaha.”
Xildhibaan Mustafe Kheyreye Gudoomiyaha Guddiga Dabagalka iyo Ilaalinta hantida Qaranka ee golaha Wakiilada Somaliland.