Writen by Qaran News |

Daayeer ayaa cadaalad darro iyo sinaan la aan diiday .
Culimada xayawaanka ayaa waxay ogaadeen , iyaga oo cilmi baadhis ku sameynaaya DAAYEER , inaanu DAAYEERKU ogolaan in CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN lagu sameeyo , oo aanu aqbalin , haddii lagula dhaqmo .
Culimadu waxay u fiirsadeen iyaga oo DAAYEER yar oo qafis ku jira , waxay ka codsadeen inuu dhagxanta yar yar ee qafiskiisa taalla uu u soo dhiibo xabbad xabbad , kolka uu marba mid soo dhiibona , waxa abaal marin loo siinaayey xabbad yar oo khiyaar ah , isna si deg deg ah ayuu u cunaayey , si uu mid kale u helo , aadna shaqadaa wuu ugu faraxsanaa .
Hadaba waxa la arkey DAAYEERKII kale ee yaraa ee qafiska ku xigey ku jiey , oo aad iyo aad u cadheysan , marka uu arko iyada oo khiyaar la siinaayo , kii la jaarka ahaa , si xunna wuu u eegaayey , indhahana aad buu ugu gubaayey .
DAAYEERKII yaraa intuu qafiskii gilgiley , ayuu jebiyey , kabacdina khiyaarkii buu boobey , meel halkaas ah , intuu la tegey ayuu ka dhergey .
Markaasaa waxa la ogaadey , in aanu DAAYEERKU qaadan in lagula kaco CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN TOONNA .
Hadaba xukuumadda kulmiye waxa ay wado , maaha wax laqaadan karo , (CADAALAD DARADA – SINAAN LA AANTA – SHARCI KU TUMASHADA -MUSUQMAASUQA- QABYAALADDA ) iyo wax yaabe kale oo badan .
Hadaba sida ay maanta u ogolaatey in shirkii GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA la qabto ( si kasta oo ay istidhi ku jooji , way joojin kari waydey ) , arimaha kale ee ay xukuumaddu diidan tahayna , way ogolaan doontaa , ee arintan wax haku qaadato , waxna ha ka barato .
MA WAXA UU DAAYEERKU DIIDEY BAYNU QAADANAA ?

CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk