MA XIDIGAHA DUSHEENIYO DAGAARAY KA DHACASAA DOORASHADA KA SOO HORAYSA DOORASHADA MADAXTOOYADU
Musharaxa Kulmiye uma suurogeli doonto in labadii musharax ee la tartamayay uu dibadda dhigo laba musharax oo kale oo waraabe-u-taag ahna kala soo dhex baxo rag uu si gaar ah dhabarka u soo taabtay. Kuwaas oo uruo siyasdeed samaysta aniga ayaa idin soo saari doona kula sii balamay iyaguna diyaar ula ah hadii uu soo saaro ay u ogol yihiin muddo kordhin inta uu isagu doono ah.
Caqliga fayow iyo muwaadin kasta oo danaynaya midnimada, wadajirka, iyo wax-wada-lahaanshaha SOMALILAND iyo weliba Dawlad Wanaageedu wax uu aqbali karo maaha. Waa sababta intii waxgarad ahayd Somaliland ama xal nabad ah u doonaysay khilaafka siyaasadda ay xagiisa yihiin WADDANI, waa haday hogaamiye dhaqameed tihiin, culimo yihiin, ganacsato yihiin iyo cid kasta oo isxilqaantay yihiinba. Marka mudankii dalku ay wada WADDANI noqdeen Kulmiye xisbi iyo xukuumad ma waxa isugu hadhay Guulwada Darbane oo ah intii bulshada ugu liidatay. Kuwaasi waxna u tari maayaan waxna ka tarimaayaane aakhirka waa kuwa jebin doona
Sidaa daraadeed, ma jirto doorasho aan la isla ogolayn oo ka horaynaysa doorashada madaxtooyada. Muuse isaga ayaa sheegi halka laga qabanayo, cidda qabanaysa, kuwa loo qabanayo, iyo goorta uu qabanayo malaha Somaliland waynu og nahay oo kama qabsoomi karto eh. Ma xidigaha dusheeniyo Dagaaray ka dhacaysaa waa yaab eh
May be an image of 6 people, people standing and outdoors