Maamulka Saaxil oo ka Hadlay Kalluumaysato la waayey
Berbera(Qaran news)- Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi ayaa ka hadlay saddex nin oo ah kalluumaysato reer Berbera ah oo la waayey raq iyo ruux ilaa 10kii Bishii June ee la soo dhaafay.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay nimankaas iyo laashkoodiiba in ay maqan yihiin 21 maalmood, kuwaasi oo ay wadaan raacdadooda.
Nimankan lahu waayay badda ayaa magacyadoodu kala yihiin Jaamac Cumar Warsame,Cali Cabdi Boos iyo Kgaliif Cawaale Maxamed.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ugu badnaan kalluumaysatadu ay badda ku jiraan toban maalmood, hase ahaatee la waayey nimankaas markii ay dhammaatay tobankii maalmood ee u horreeyay.
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil wuxuu intaas ku daray in haddii ay laashkii la dhacay la heli lahaa agabkoodii oo badda ku soo caaryi lahaa.