Writen by Qaran News |

Tixdan muusanawga ah
Anna mari xil baa I leh
Adna maqal dan baa ku leh.
Ummadyahay muqlaysani
Ummadyahay masiirkiyo
Arrinkeeda mooggani
Ummadyahay masayrkiyo
Murankiyo xinkeedii
Isu muuqda uu yidhi
Ummadyahay maroodiga
Sidiisii nin maagani
Mirashada ku gaadaa
Gobannimo ma magac baa?
Maansadii Muduci, Abwaan Xasan Daahir Weedhsame
Gu’gii 1946kii ayaa ummada reer Soomaaliland u hawlgashey inay talo muuqata ku yeeshaan dalkoodii Somaliland. Waxay kala hawlgaleen dawladii Ingiriiska si go’aan la taaban karo looga gaadho arimaha bulshadu tabeyso in la sameeyo gole ka kooban dadka qaybihiisa kala duwan. Ingiriiska oo arintan aad ugu bogay ayaa aqbaley, aasaaseyna gole ka kooban qaybaha bulshada.
Gudidadaas waxaa loogu magacdarey Golaha Talo-bixinta ee Maxmiyadda (Protectorate Advisory Council ). Waxayse ka koobnaayeen 22 qof oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada.Waxaanay u xulnaayeen sidan hoos ku xusan:
-14 laga soo xulay beelaha Soomaliland ( ( Bari ilaa galbeed).
– 3 ganacsatada reer Soomaaliland ahaa (traders ).
-3 wadaadada reer Soomaaliland.
-2 ka kala yimid Carabtii iyo Hindidii deganeyd Soomaaliland.
Guddidaasi waxay kulmi jireen laba jeer gu’giiba.Waxaana soo doortay Gudoomiye Gerald Thomas Fisher oo xilka badhasaabnimo hayey laga soo bilaabo bishii Maarso 1943kii ilaa Maarso 1948kii. Shirkii ugu horreeyay ee golahani waxa la qabatay bishii July 2dii uuna socday ilaa isla bishaa July 9dii,1946kii.Waxaana shirkaasi lagu qabtey magaalada Sheekh.
Waxaa ajandaha shirkaa lagaga hadlayey, oo lagu qaadaa dhigayey arimo ay bulshada reer Soomaaliland markaa u baahnaayeen in wax laga qabto. Waxaaney arimahaasi ahaayeen:
1- Horumarinta Beeraha ( Agricultural development)
2- Dhibaatada sabboolnimada (Poverty issues)
3- Dhalinyarta danbiyada gasha ee magaalooyinka (problem of destitution and juvenile delinquency in towns) –
4- Furitaanka adeegyo caafimaad (dispensaries ) tuulooyinka dalka Soomaliland.
5- Daaqa oo la xaddido (grazing control )
6- Xaalada xool dhaqatada Haud iyo Reserved Area.
7- IWM.
Dhibaatooyinka xilligaa la rabey in la xaliyo ee loo hub qaatey wax waa laga qabtey xilligaa. Waxaase ayaandaro dhacdey markii hormoodkii xilligaasi halgankii iyo hawlgalkii dadka u adeegsadeen inay salaam siyaasadeed ku koraan, Xamarna ay u madluufiyeen. Waxaan taariikhdu qalinka kala maageyn in xilli ku beegnayd 1947kii Abokor Xaaji Faarax (IHUN) uu ku kacey fal keensanaya inaan Xamar dib loo jaleecin. Wuxuu Abokor aad ugu hanweynaa ururkii SYL ee beentiisa iyo guuldaradiisa lagu dadayey dahaadh maqaarsaar ah. Isla gu’gaa ayuu Abokor ka soo noqday magaalada Xamar.
Si uu u tuso Abokor Xaaji Faarax quusta iyo guuldarada uu kala kulmay socdaalkuu Xamar ku tagey ayuu Calankii SYL ku gubay magaalada Burco, yidhina: “ Dareen wadaninimo dhinacaa Xamar inagama xigee waxaan qabsan karno aan qabsano”… Waxaa sidoo kale laga hayaa erayadaa kuwo u dhaw siyaasiyiintii ay ka mid ka ahaayeen Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (IHUN). iyo Yuusuf Ismaaciil Samater Gaandhi (IHUN) markay socdaal ay Xamar ku tageen kaga soo noqdeen.
Taariikhdaa kor ku xusan ee soo jireenka ah ayaa 1991kii la saxey oo kolba siyaasi ka tirsan xisbiyada dalka Soomaaliland ee mucaarid iyo muxaafid lihi ku dheeldheelayaan.
Ilaa iminka oo xilligaa laga joogo kow iyo todobaatan gu’ lama arag ururada dhalinyarada ama ururada bulshada oo la yimid shirar ay arimahaasi sidaa u qoto dheer kaga wada hadleen sidii horumar looga gaadhi lahaa, midhana looga dhalin lahaa.Inkastoo la arko iyagoo is casuumay, shirar raashin lagu cunana samaystay. Dawlad iyo xisbiyo mucaarid ahna hadalkoogaba iska daa!!!!!!!
Hadaan gu’ga kuu kordhaa
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo arag
Ileen wax ma dhaantid geed
Maansadii Gurmad ee Abwaan Maxamed Xaashi Gaarriye (IHUN)
Markii lixdankii halgankii ummada siyaasiyiin, ganacsato, iyo daneystayaal ku gabada saxaafadu ay u boqno gooyeen shan aan isku imaneyn ayey ummadii mar labaad dib u bilawday halgankii. Waxaan maanku ilaaweyn kacdoonkii saraakiisha(1961), Kacdoonkii bulshada ee Bakeyle qalad(1963), Kacdoonkii ardeyda ee dhaliyey in dugsiga Faarax Oomaar la dhiso, iwm. Halgankaasii ayaa il ay u baxdey markii uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal(IHUN) noqdey ra’iisal wasaare 1967.
Dareenka dadka reer Soomaaliland oo filasho ugu jirto ingefkii lixdankii la sixi karayo ayuu dhacey inqilaabkii milatari ee 1969. Tani waxay keentay in ummadii reer Soomaalilad uu ku dhaco werwer iyo niyadjab dib ugu dhiirigaliyey inay kordhiyaan hawlgalkii halgameed. Ishaasi ayaa bakhtiday markii Inqilaabku dhacey.Naftii la sasabayey ayaa gaagaxdey. Abwaanka Cabdi Aadan Qays oo dareenka bulshada ka af-celinayey ayaa yidhi:
Sasabada naftaydaay Janadaad ku sooryeeyn
waa sagaal gu’ iyo subax intii aan ku sugayee
haddana isa seegnayee Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayaana Samo kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow Sahdanbena maxay noqon
Xukunkii waxaa gacanta ku dhigay Ina Siyaad Barre, waxaa xigay dilkii saraakiishi la sameeyey inqilaabka, waxaa af ahaan loogu dhawaaqey in qabyaaladii la aasayey, hase yeeshee ay ooda jabisay oo xafiis walba reer yeeshay, waxaa hanoqaadey taladiii shuuciyada ee diin la dagaalanka, iwm … Abwaanadii xilligaa ayaa seefta galka ka siibay oo sooyaalkii siyaasadeed ee xilligaana ku xardhay maansooyinkii Siinley…
Muran-diid Allaylehe
Waa mahadho-reeb iyo
Macal cune wadkiisee
Murdisooy laguu sheeg
Abwaanada Deeqa Nuux Yoonis
La soco qaybaha danbe …
Fu’aad Sheekh
Bahda Mareegta Farshaxan

Farshaxan www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org