Maanta oo ay taariikhdu tahay 16 September 2025, waxa hoolka shirarka ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL si rasmi ah loogu kala saxeexday heshiis< ka hirgelinta dhismaha Xarunta Kaydka Xogta Qaranka (National Data Center). Heshiiskan waxa si wadajir ah u saxeexay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL mudane 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐤𝐢 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧, iyo Mr. 𝐉𝐞𝐫𝐫𝐲 𝐋𝐢𝐚𝐨 oo ah madaxa Taiwan Technical Mission (TTM), iyagoo muujiyay in heshiiskani uu yahay iskaashi muhiim u ah horumarinta adeegyada dijitaalka ee dalka. Munaasibaddan waxa goob joog ka ahaa: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛 𝐌𝐮𝐮𝐬𝐞, Vivienne Wang oo ah Specialist Taiwan ICDF, Agaasimaha Waaxda Dhiska ee Wasaaradda Hawlaha Guud, dhulka iyo guryaynta Mustafe Carab, La taliyayaal iyo Agaasime Waaxeedyo ka socday Wasaaradda Isgaadhiinta Iyo Teknoolajiyadda JSL. Xaruntan cusub ee Kaydka Xogta Qaranka (National Data Center) oo ay si wada jir ah u fulinayaan Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Teknoolajiyadda iyo Taiwan ICDF, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚 𝐭𝐢𝐢𝐫 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐮 𝐚𝐡 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐤𝐚𝐲𝐝𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐭𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐲𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐭𝐢𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐢𝐛𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 (𝐓𝐡𝐢𝐫𝐝 𝐏𝐚𝐫𝐭𝐢𝐞𝐬) isla markaana xoojin doonta isku-filnaanta xogeed ee qaranka JSL.