Maayar Ciddin iyo Mooge midkood baa qaldan?…….Maxamed Haaruun Biixi

Buugga la ga qoray C. J. Haabiil ee Hortaa-jire ayaa Berbera la gu soo bandhigay. Ka dib maxaa dhacay? Meeyar Ciddin baa yidhi shan boqol oo buug baan Dawladda Hoose u iibiyay, sidoo kale, qof kasta oo xafladda ka soo qayb galay na, hal buug baan ka bixinayaa. Waa markii u horaysay ee aan wax sidaas oo kale ah maqlo. Meeyar Mooge buuggii adeerkii la ga qoray isagu ma iibsaday cid se ma u iibiyay? Waa ogahay oo muu samaynin sidaas. Ciddin iyo Mooge midkood baa qaldan, waxaanan qabaa in uu Mooge qaldanyahay. Dhaqankeena bulsho iyo dawladnimada la ga hadlaayo, tasarufka Ciddin oo kale amma ka Muuse oo kale ayaa sax ku ah. Hadii nin aad is ku qolo tihiin buug la ga qoro, oo aad xafiis dadweyne joogtid, waxa meesha yaalla ba waa in aad ku bixisid. Hadii aad madaxweyne tahay na, waa in aad si public ah u gu khudbaysid ciidanka dawladda inta qoyskiinu in ay u gu fiicantahay. Waa kaas hadalku. Shaki la’aan sidaas baa sax ah. Warka Xamar dhaaf.

Waxaa qoray:-Maxamed Haaruun Biixi