Maayar ku xigeenka hargeisa dagaal midgood ayuu nalagalay anaguna dagaalkaas baanu lagalaynaaye yaanay la xumaan.

Fidnada iyo dhibta ka timaada Munaafaqada uu maayar kuxigeenka hargeisa ka wado xaafada Daami isagaa ka masuul ah, hadaanu xabad isla dhacno iyo hadaanu kurka iska goyno isagaa ka masuul ah.
Maayar kuxigeenka waxaan leeyahay $20,000 ee dollar ee cashuurtayada ah ee dawlada hoose ku dartay dhismaha xanaanada adiguna aad moodayso in aad Daami ku iibsatay barito ayaan xafiiskaaga kuugu keenayaaye yaanan kaa waayin, maanta laga bilaabana xaafadayada ma soo gali kartid, maayarka iyo xoghayaha guud iyaga waan soo dhawaynaynaa waanay noo iman karaan oo iyagu xataa xadhiga way nooga jari karaan xanaanada”.
May be an image of 2 people