fbt

Macaan-Jecel, Dhurde miyaa? Mise waa Shini?.

Hadii wax macaan Bal sheeg lagu yidhaahdo yaalaa waxa ugu hereeya ee niyadaada kusoo dhacayaa waa Malab, Malabku maaha wax la beerto oo Dhulka kasoo baxa, Malabku ma aha wax sida dhibicda Roobka cirka kasoo da’a, Malabku ma aha wax bada ku dhex jira oo lasoo jillaabto, Mana aha wax sida macdanta laqoto oo lalasoo baxo, hase yeeshee Malabku waa shay ama walax ay sameeyaan xansharaad baallay ah sida Shinida iyo Dhurdaha, Malabku waa wax aad u macaan oo leh wax tar nafaqo iyo dabiib Daawo intaba, Malabka ugu badan waxa samaysa Shinida taas oo Shinidu hada noqotay wax sida xoolaha loo dhaqdo wax tarka ay leedahay awgeed sidaa daraadeed, Shinidu way Duunyo dhaqdiin gashay oo Goobkasta waxa lagu haystaa Saxaarado edeg iyo xero Shini ah, sidaa aawadeed sharaxaad badan uma baahna, waayo duunyadii la dhaqan jiray ee la maali jiray ee Maal-qabeenka lagu ahaa, Shini ayaa kusoo biirtay oo dadkii Maal iyo Malab Qabeen ayey hada noqdeen.

Hadaba sida Shinida oo kale waxa Malab sameeya Dhurdaha oo ah xansharaad Shinida u sansaan eeg se aad uga yar, Dhurde ama sida Dadka qaar u yaqaaniin Dhuun-Yaale, inkastoo Dhuun-Yaale yahay Dhurdaha, Malabkiisa iyo dhalaankiisu markay isku dhafan yihiin ayaa Dhuun-Yaale laysku yidhaahdaa, halka malabka Dhurdaha SUR ama Surta layidhaa, malabka dhurduhu sameeyaa wuu ka xadi yaryahay ka shinida, markaa Dhuun yaaluhu wuxuu u kala baxaa SUR ama Surta oo Malab bisil oo Midab Bunni aan Dukhul ahayn ah, iyo Malab huruudi ama jaale ah oo ah Malab aan SUR noqon ama bislayn iyo qayb saddexaad oo ah Ugxan iyo dhalaankiisa,

Dhurdaha waxa laga helaa oo uu malabka ku sameeyaa jirridaha dhirta ha u badnaadeen dhirta aan Biixida ahayn ee geed Quwaaxa ah, Dhuun-Yaalaha marka la jabsado Surta ayaa lacunaa oo lala baxaa, dhasha iyo ugxanta lama taabto, hase yeeshee ruuxa aan garanahay wuu wada fujistaa oo wuu wada CUNAA ilaa ugxanta!.

Dhanka kale waxa jirta cayayaan la yidhaahdo Macaan-Jecel oo ah nooc ka mid ah Qudhaanjada, oo midabkeedu yahay dahabi, waa qudhaanjo aad uga weyn Cawo-guda kana Midab khafiifsan, uma socoto xoon sida cawaguda, se tiro Door ah ayey ugusoo uruurtaa mesha ay macaan ka dhadhamiyaan, Macaan-Jeceltu ma samayso wax macaan oo laga dheefo sida Shinida iyo Dhurdaha, se iyada ayaa Macaan-Jecel oo dhadhamo raac ah!,

Waxa Hadaba Macaan-Jecel la Hal ah Xukuumada Somaliland ee shacabkii Reer Somaliland ee Suuq weynihii Waaheen dabkii qabsaday ku Tabaaloobay ee halkii Shacabka hantidoodii moodka ahayd iyo nolol maalmoodkoodii kaga shuf-beeshay masiibadii dabka ahayd ee qabsaday Suuqii Waaheen, halkii ay gaadhsiin lahaayeen shacabkaa tabaaloobay wixii loogu yaboohay, waxna ugu dari lahaayeen, ama ay waraysan lahaayeen waxa ay u qabtaan ee ay iga uga baahan yihiin, ayey Xukuumadii Gudi magacaabtay aanay waxba Kala tashan Dadka tabaaloobay, dadkaa oo iyagu suuqa Waaheen ahaan gudiyo dhawr ah lahaa, Suuqa Waaheen marka laga reebo Sariibada ama Kawaanka, suuqa Waaheen wuxuu ahaa Dhul Hanti Shacab tiro badani ay gaar u lahaayeen, oo aan ahayn goob mulkiilayaal dhawr ahi lahaayeen, sidaa aawadeed waxa haboonayn in shacabka mulkiilayaasha Dhulka suuqa Waaheen ahaa la waraysto waxa ay Dhulka hantidooda ah ay kayeelayaan, iyo waxa qorshe ah oo u meel yaala, sidoo kale Dadku isku jeeb may ahayn oo togba taagtiis ayuu rogmadaaye, in laga afti qaado ay haboonayd, intaanay dadkan Riyada ku noolka ah ee nashqadaha iska dabacday aanay go’aanka iska gaadhin, iyaga Wuxuun baan leeyahay Waar yaadhaheen Londhon habeen laguma dhisin!, iyo suuqyada Yurub!,

Hadal iyo dhamaan Dadkan Macaan-Jecelta ah ee malafriga ku mammay ee Qalbi didibka ah ee aan dareemahayn duruufaha Dadka ku gaddaaman, ee dabkii loo raaciyey xayiraad laga xayiray inay waxooda yabyabtaan, waar dadku waa shacabkii dalka oo camiran ka qaxay ee wax kale iskadaa, ee isagoo ilaa qasabadihii Biyaha ilaa kuwii suuliyaasha la qotay ee lala baxay soo noqday, ee Eber kasoo bilaabay ee maanta Dalka la moodin in weligii wax gaadhin wax qabsiga shacabka Jamhuuriyada barakaysan awgeed, waa shacab hawlkar ah oo wax qabad leh oo Shini iyo Dhurde ka shaqo badan oo ka waxtar badane Xukuumadu ha garab gasho, oo ha waydiiso rayi, fikir iyo xog wixii hantiilayda u meel yaala, ee yaanay ku noqon Macaan-Jecel waxba tarin oo iyaguun dheeftooda soo daba mallafsi raacda oo dabo roortaysa uun aduunkii loogu yaboohay.

Uma Dhise ee ka Dhistow, Naar lagu Dhaab eebe kaa Dhig.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com