Writen by Qaran News |

Shaqo la’aanta ayaa ah mid caqabad ku ah dhalinyaradda Somaliland waxaana u sii
dheer cadaalad darada xilliyada shaqaalaha la qaadanayo oo habab cadaalada ka fog
lagu qaato.
Haddaba, iyadoo mudooyinkii danbe ay sare u sii kacayso, soo bandhigida ama
xayeysiinta boosaska shaqo ee ka banaanaada haaydaha ka hawlgala magaalo
madaxda labaad Somaliland ee Burco, ayaa dhinaca kalena waxa muuqata in
nidaamka shaqaaleynsiiinta ee haayadahaas qaarkood ay dul hoganaayo mad-
madaw badan oo u bahaan in laga hadlo, ka aqoonyahan ahaan, shacab ahaan iyo
cid kasta oo ay khuseyso gaar ahaan dhalinyaradda gobolka oo xaq u leh in
mudnaanta koobaad la siiyo marka at timaado u baahashada shaqaale ka hawl gala
magaalada ama gobolka iyo kuwa kale ee la deriska ahba.
Caqabadaha dhinaca shaqada ee dhalinta khibrada u leh arimaaha ay ka
waramayaan ayaa waxaa ka mid ah in la soo xayeysiiyo jagooyin ama boosas shaqo
oo ay isla xilligaas ay sii shaqeynayaan dad loo qoondeeyey taas oo ka dhan ah
bina’aadinimada iyo xuquuqda qofka oo u baahan cadaalad balse ku ah qofka sir ma
qabaha ah inuu wakhti, maskax iyo muruqba geliyo sidii ugu soo bixi lahaa jagadaas
taas oo ka dhigan “ Allahayaw Nin Aan Wax Ogayn Ha Cadaabin”, arintan ayaa
marka dhinac laga eego ah khiyaamo ka dhan aha sharciga shaqaalaha meel ka
dhacna ku ah xuquudiisa waaba haddii ay jirtee.
Dhinaca kalena waxa muuqata in fursadaha shaqo ee gobolka ay cidhiidhi ku hayaan
dadyaw ka kale oo ajaanib ah iyo kuwo kale oo ka yimi gobolada kale ee Somaliland,
taas oo aan dhiirigelinayn dhalinyaradda gobolka ee shaqo la’aanta ah iyada oo ay
marar dhacdo in boosaska bananaada ee haayadaas loo sii qorsheeyo dhalintaas ka
imanaysa gobolada kale iyada oo aan la marin habkii sharciga ahaa ee in loo tartamo
si xalaal ah oo aan mad-madaw lahayn, balse taasi maaha mid haayaduhu ku
dhaqmaan badanaa waana in dawladu ku dabo gasho nidaamkaas.
Waayo, haddii arinta shaqaaleynsiinta ee gobolku sidan ku sii socoto waxa ay keeni
kartaa in dhalin badani ay shaqo la’aan ku dhacaan tan oo sababi karta in qaar
badan oo ka mid ahi ay tahriib galaan ama ay ku kacaan waxyaabo aan amniga
dalka iyo dadka midna aan dani ugu jirin, sida dhalinta is kooxaysata ee rabshadaha
geysta noloshana ka dhaca.
Qodobkan ayaa qeyb ka ah nidaamka shaqo abuurka ee heer degmo, gobol iyo guud
ahaan dalka oo idil, waana mid lagama maar-maan ah.
Waxa iga xasuus ah in aanan mawduucan uga jeedin in dhaliyarada ka timaada
gobolada kale ee ku sugan Burco iyo deegaanada hoos yimaada aan laga xigsan
fursadaha shaqo, balse ay xaq u leeyihiin inay ku tartamaan oo ay si xalaal ah u
galaan, kuwa keenayana ay nidaamka shaqaaleynsiinta aanay meel kaga dhicin
balse ay mudnaanta koobaad siiyaan dhalinta gobolka ku soo guryo noqday ka dib
markay waxbarashadoodii soo dhameysteen iyo kuwa jaamacada gobolka ka baxay
ee fursdahaas naawilaaya.
Ugu danbeyn waxan halkan fariin talo siin ah uga dirayaa haayadaha shaqaalaha
qorta inay illaaliyaan cadaalada iyo siinaanta fursadahan una soo bandhigaan si
siman oo cid jacleysi ka madhan.
Dawladana waxan leeyahay gaar ahaan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ku
suntan arintaa inay ka war hayso si dhaw guud ahaan dalka oo aan ku koobnayn
Burco iyo hanaanka haayadaha markay timaado shaqaalaynsiintu, waayo muwaadin
ahaan in aan la taliyo dawlada waa lexojeclada dadkayga iyo dalkayga iga haysa
inay horumaraan dhan kasta oo cadaaladu ugu horeyso.
Mahadsanidiin
Maxamuud Xeef