Yuusuf Kayse :-
Madashii Maantu Waxaan u Fahmay in ay ahayd Mid la doonayay uun in lagu aflagaadeeyo Madaxda Qaranka.
( Cimri tagay Ceeb laguma sagootiyo )
Maanta Waxaa ka dhacay #Huteel_Maansoor ee Magaalada Hargeysa’ Munasaasibad ay u Bixiyeen 20 Guuradii Ka soo Wareegtay Aas Aaskii Xisbiga Kulmiye oo waliba Madaxweynihii Qaranka iyo ku Xigeenkiisiiba goob joog ka ahaayeen ma odhan karno waxay ahayd Munaasibad Xisbi qaran Aas Aaskiisii lagu Xusaayey balse waxaan ku tilmaami karaa Madal Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ugu Badheedhay in lagu Aflagaadeeyo Madaxwaynihii Hore Qaranka JSL #Md_Daahir_Rayaale_Kaahin Iyo #Madaxda_Axzaabta_Qaranka isla markaana Xisbiga Kulmiye ku Furfurayay Xadhigii u dambeeyey ee Wada jirka iyo wax wada lahaanshiiyaha Beelaha Walaalaha ah ee ilaa halgankii ilaa maanta dhiigooda u soo shubay ee tacabka badan ee Naf huritaanka ahi ka soo galay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland .
Waxaanse Illaahay ka baryayaa dhagaraha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu maanta ay Daboolka inooga qaadeen ee kala Sheegashada iyo shaambadaynta Deegaano iyo Beelo ka mid ah ay ku beegsanayaan in Alle ka badbaadiyo oo aanay ahaan tooda iyo sida ay qorshaysteen ee dalkan ku lidiga ah Balse wada jir iyo nabadgelyadiisa aynu wada ilaashano hadii aynu nahay Shacbiga JSL
oo yaynaan marin Wadada ay inala doonayaan ee ah qaybinta iyo qoqobka Waayo Kulmiye Wuu ka quustay hogaamin danbe oo dalka ah Maadaama waxaas oo Aflagaado ahi ka soo yeedhayo ee Madaxdii qaranka lagu aflagaadeynayo.
May be an image of 1 person