Madaxda Xamar ayaa Madaxda Hargeysa tusaale u noqon doona cidina kuma seexan!”…Ex-Wasiir Kaysar

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Xabsi guri ka soo saaray muwaadin Soomaaliyeed oo Argagixiso ahaan jiray, waxaanuu ku yidhi Walaal Dalku waa Dalkaagiiye nala maamul oo Argagixisada ka hadh. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu doonayaa inuu Dalkiisa dhibta ka saaro, oo uu Ummadiisa nabadgelyo u raadiyo, oo uu dhalinyarada Argagixisada ah dib ugu soo dabaalo dariiqa saxda ah oo uu soo af jaro colaada ragaadisay Dalkiisa.
Rooble Mohamed Rooble Maxamadoow inaguna?
Jidka ay Somaliland ku sii socotaa waa kee ?
Madaxweyne iyo Madaxda dalka ku dayasho ayaa ugu sugan dariiqan is cafiska iyo wada shaqaynta ee Xasan Sheekh uu bilaabay.
Miyaan la odhan wixii wanaagsan is kaga dayda?
Madaxweyne Muuse iyo Cirro iyo Faysal ayaa Gaal iyo Islaamba is fahamsiin kari waayeen dhawrkii bilood ee ina dhaafay ilaa maanta.
Madaxda Xamar ayaa Madaxda Hargeysa tusaale u noqon doona cidina kuma seexan !
Allay lehe inteedaan ku sugay Aradka Gaaroodi…..
Somaliland ha Guulaysto.”
May be an image of 6 people, people sitting, people standing and suit