Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, oo ay weheliyaan qaar kamid ah masuuliyiinta sare ee Xisbiga, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay Safiiradda UK ee Somaliland iyo Somalia Kate Foster iyo Wakiilka UK ee Somaliland Lizzie Walker.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay, xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo masuuliyiintuna uga warbixiyeen mawqifka xisbiga ee ku aaddan Xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Biixi, oo ay sheegeen in ay tahay mid loo maray dariiq sharci darro ah.
Sidoo kale waxay uga warameen dib u dhaca ku talo-galka ah ee Madaxweynuhu ku sameeyay Doorashada, iyagoo u sheegay in marka la gaadho 13-November aanay aqoonsanaan-doonin xukuumadda Madaxweyne Biixi.
Masuuliyiinta xisbiga ee ka qeyb-gashay kulankan ayaa kal ahaa, Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga Xil Cumar Jaamac Faarax, Xoghayaha guud ee xisbiga Ibraahim Cabdi Xuseen, Xildhibaan Maxamed Jaamac koodbuur, Xoghayaha arrimaha gudaha Jaamac Maxamed Cabdi, Xoghayaha abaabulka Maxamed Xuseen, Xoghayaha waxbarashada C.casiis Qaasim, Af-hayeenka xisbiga Maxamed Axmed Bilaal Iyo Xoghayaha gaarka ah ee Gudoomiyaha Maxamed Galool.
May be an image of 10 people, people standing and indoor