Madaxwayne Xasan Sheekh Roobow ayuu xabsi ka soo daayay oo la heshiiyay golaha Wasiiradana ku daray Muuse Biixina C/raxmaan Cirro & Faysal………..

Madaxwayne Xasan Sheekh xataa Roobow ayuu xabsi ka soo daayay oo la heshiiyay golaha Wasiiradana ku daray. Nasiib darro Muuse Biixina Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal ayaa heshiis daaye faro madhan ka jooga uu ka gar qaadan la’ yahay. Oo cid waliba gacanta ka taagtay. Waa Salaadiin, Waa Culimo, Waa Waxgarad kale oo intuba ay xogogaal u yihiin khilaafka jira xalkana si isku mid ah u wada arkaan balse uu Madaxwayne Muuse ku soo wada gacansaydhay. Markaa xaguu tolow Muuse u socdaa ayuuse isku halaynayaa? Waa sua’aasha ilaa hadda aan cid ka jawaabi kartaa jirin”.