๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐ฐ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ซ-๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐








Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Carwada Teknoolajiyadda Somaliland (๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ง๐ฒ๐ฐ๐ต๐ป๐ผ๐น๐ผ๐ด๐ ๐๐
๐ฝ๐ผ) oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, taas oo lagu soo bandhigay adeegyada iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Shirkadaha ICT-ga ee dalka iyo hal-abuurka ay sameeyeen dhalinyarada JSL ee xagga hayaanka Dijitalka casriga ah.
Madaxweynuhu waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad miisaan leh, isaga oo hoosta ka xarriiqay saamaynta ballaadhan ee Teknoolajiyadda Casriga ahi ay haatan ku leedahay nolosha bulshada, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo maamulka laamaha Dawladda.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Teknoolajiyaddu ay maanta laf-dhabar u tahay horumarka, hiigsiga iyo isbeddelka Dunida. Dal kasta oo doonaya in uu horumar sameeyana waa in uu la jaanqaadaa Tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka cusub ee dunidu ku tallaabsatay.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Jamhuuriyadda Somaliland ay noqoto dal hoggaaminaya hal-abuurka iyo horumarka Dijitalka ah.
Madaxweynuhu waxa uu ku booriyey Hayโadaha Dawladda, ganacsatada iyo dhalinyarada in ay si buuxda uga faaโiidaystaan fursadaha ku jira Teknoolajiyadda Casriga ah, isla markaana ay qayb ka noqdaan dhismaha Somaliland Dijital ah oo ku dhisan aqoon, hal-abuur iyo horumar la taaban karo.
Sidoo kale Madaxweynahu waxuu iclaamiyey in la bixin doono Abaal-Marin Madaxweyne oo Sannadle ah (๐ฌ๐ฒ๐ฎ๐ฟ๐น๐ ๐ฃ๐ฟ๐ฒ๐๐ถ๐ฑ๐ฒ๐ป๐๐ถ๐ฎ๐น ๐๐๐ฎ๐ฟ๐ฑ) oo la guddoosiin doono qofka ku guulaysta hal-abuur cusub oo xagga Teknoolajiyadda ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu si gaar ah u bogaadiyey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda tallaabooyinka muhiimka ah ee uu qaaday.
Dhinaca kale, Carwada Teknoolajiyadda Somaliland waxa iyaguna hadllo ka soo jeediyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo
Masuulyiin sare oo ka socday Shirkadaha waaweyn ee xagga Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, iyaga oo soo bandhigay horumarka ay ku tallaabsadeen, adeegyada ay soo kordhiyeen iyo arrimaha u qorshaysan xilliga dhaw ee Teknoolajiyadda casriga ah.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL, Shaqaalaha iyo Aqoonyahanka Wasaaradda iyo dhammaan bahda Tiknoolajiyadda dalka, isaga oo ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada Dijitalka ah ee Qaranka, si uu dalkeenu ula jaanqaado hayaanka iyo isbeddellada xawliga ku socda ee xagga Tiknoolajiyadda Casriga ah.






