




𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah la qaatay madaxda Hay’adda ’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay, Marwo Sandra Lattouf oo ay wehelinayeen masuuliyiin aqoon sare leh oo ka hawl-gala Xafiiska UNICEF ee Somaliland.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaadhin lahaa, loona tayeyn lahaa Mashaariicda Horumarineed iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay Hay’adda UNICEF ka fuliso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada, Biyaha. Caafimaadka iyo horumarinta carruurta.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada shaqayn hufan oo dhex marta Xukuumadda iyo Hay’adaha Caalamiga ah, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Mashaariicda laga hirgelinayo Somaliland ay noqdaan kuwo si toos ah u taabanaya baahiyaha dhabta ah ee bulshada JSL, isla markaana loo qorsheeyo si waafaqsan arrimaha mudnaanta u leh Qaranka JSL.
Iyaduna dhankeeda, Wakiilka UNICEF Marwo Sandra Lattouf ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqday kulankiisa, isla markaana ku bogaadisay hoggaamintiisa quman.
Intii lagu guda jiray kulanka, Wakiilka UNICEF waxa ay si cad u sheegtay in Hay’adda UNICEF ay tahay mid ay Somaliland ku kalsoonaan karto isuna hallayn karto. Waxa ay ka mahad celisay sida wanaagsan ee ay Hay’adaha Xukuumadda Somaliland ula shaqeeyaan Hay’adaha Caalamiga ah, waxana ay ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan taageerada dhinacyada horumarinta bulshada iyo daryeelka carruurta.
Wakiilka Hay’adda UNICEF waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqday in ka Hay’ad ahaan ay si wadajir ah ula shaqaynayaan Hay’adaha Dowladda Somaliland, bulshada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay; si loo hubiyo in ilmo kasta oo carruur ahi uu adeeg tayo leh iyo mustaqbal ka wanaagsan.
Kulanka ayaa ku soo gabagaboobay isfaham iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqaynta.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝






