Madaxweynaha cusub ee dalka Taiwan, William Lai ayaa shaaciyay in maamulkiisu sii wadayo xidhiidhka ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne William Lai oo kulan la yeeshay weftigii ka socday JSL ee Isniintii la soo dhaafay ka qaybgalay caleemo saarkiisii ee uu hoggaaminayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa sheegay inuu maamulkiisu ahmiyad siinayo Afrika.

Madaxweynaha Taiwan William Lai wuxuu kulankaas ka ballan-qaaday inuu sii wadayo iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan.

Guddoomiรฝe kuxigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa iftiimiyay in dhinacyo badan ay iskaashi ka leeyihiin Taiwan, isla markaana ay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan cilaaqaadkooda.

Guddoomiye Siciid Jaamac wuxuu bogaadiyay Madaxweynaha cusub ee Taiwan William Lai iyo madaxweyne kuxigeenkiisa Hsiao Bi-khim, waxaanu tilmaamay in cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan uu taabogalay isla markaana uu sannadihii la soo dhaafay aad u kordhay xidhiidhka saaxiibtinimo ee ay wadaagaan labada dal.