Writen by Qaran News |

Madaxweynaha Kililka Hadalkiisa Maxaa Daba Socda:

Warkan ka soo yeedhay madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee DDS ayaa dad badan fajac ku riday, waxase xaqiiqadu tahay waa war aanu ka fiirsan oo iska soo tuur ah. Waxaya hore u aragnay madaxweynihii isagaka horeeyey ee Ilay oo isticmaalaya hayadaha nabad gelyad oo dad u dhashy kililka shanaad o ku siugnaa xilligaa deegaananad uu madaxweynaha hadduu ku tiraabay in laga soo weerayo marba mid uu isagu garanayo odhan jiray dembibuu iga galaye ii oo dhiiba loona dhiibi jiray si loo ilalliyo nabad gelyada iyo wad shaqaynta.

Kan hadda meesha yimi isna wadadii kii hruu hayaa waxan uu soo wadaana waa hebel iyo hebel ii soo dhiiba. Kani waa layli syaasadeed oo arrintii heer madaxweyne ayuu kaga bilaabay saxaafadana waa la soo fadhiistay, halka Ilay uu soo mari jiray haydaha nabad gelyada. Horaa loo yidhi siyaasaddu saaxiib joogta ah ma leh laakiin dano joogta ah ayay leedahaye, ninkani hadda isagaa kursiga ku fadhiya ee saddexda maamul ee uu magcaabayba waxan u soo jeedinyaa inay u dhiibaan dadkan uu ka baqanayo inay soo weeraraan, isagaana garnaya kuwa ay yihiin oo sheegi doona. Dad badan ayaa sheega in ninkani Somaliland oonu weligii arag waxna u gelin ku khafiiifay, haddana Jubbland iyo Puntland buu ku soo daray. Waa nin ay muuqato inaan fahamsanayn masuuliyadda ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa oo meelo kale oon lagaba aqoon isooga hanqal taagaya.

Xilligii Ilay, kooxahaaa uu ugaadhsan jiray Ilray kuwa taageersani waxay odhan jireen Axmaraa baa loo dhiibay, inagoo og in Axmaaro warkeeda uu ugu dambeeyey xilligii Mangiste. Haddana kuwan uu Cgajar doonyao marka la dhiibo taageeryaashoodu waxy odhan doonaan Axmaaraa loo dhiibay. Taasi waxay ina tusaysaa inay Axmaar u yaqaanaan marba ka kursiga ku fadhiya.

Abokor Baaruud

Baruda2006@gmail.com