Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxeexa qalinka ku duugay xeerka miisaaniyadda ciidamada Maraykanka ee sanadka 2023 kaas oo uu ku jiro qodob u horseedaya in dawladda Maraykanku gaar ahaan labadeeda wasaaradood ee Difaaca iyo Arimaha Dibaddu ay Somaliland kala yeeshaan iskaashi khuseeya arimaha militariga iyo diblomaasiyadaba.

Qodobkan sharci ayaa waxa uu faraya wasaaradaha Kaarajiga iyo Difaaca ee Maraykanka iyo hayada u qaabilsan gargaarka ee USAID inay Congress-ka usoo gudbiyaan warbixin sanadle ah oo ay ku faahfaahinayaan kaalmada iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo amni ee ay la yeeshaan Somaliland iyadoo u xeerku si cad u qeexayo in Somaliland aanay ka mid ahayn dawlad goboleedyada federaalka ee Somalia. Xeerkan ayaa meesha ka saaraya caqabadihi dhinaca sharciga ee hortaagnaa in wax xidhiidh ahi dhex maro waaxaha Arimaha Dibadda iyo Difaaca ee Maraykanka iyo Somaliland, waxaanu fududaynaya in dawladda Maraykanka iyo ta Somaliland ay dhinacyo kala duwan wada shaqeyn ka yeeshaan oo tusaale ahaan wuxu xeerku faraya wasaaradaha Khaarajiga iyo Difaaca ee Maraykanka inay Congress-ka usoo gudbiyaan ugu dambayn bisha June 2023 daraasad ku saabsan fursadaha jira ee kor loogu qaadi karo iskaashiga amni ee u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland.