MADAXWEYNAHA MID BAAN LEEYAHAY, MUCAARIDKANA MID BAAN LEEYAHAY , URURADA SIYAASADA EE CUSUBNA MID BAAN LEEYAHAY.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mid baan leeyahay oo ah dalkani adigaa ayaa ka madaxwayne ah oo laguu doortay ee waxa isku kaa garab yaalla in aad madaxwayne taariikhda baal dahab ka gala noqoto iyo in aad noqoto madaxwayne dalka iyo dadka hadimo galiya.

Sababta aan sidaa u leeyahay waxa weeye taariikhda hadii aynu dib u raacno waxa aad ahayd shaqsi aad ugu adadag nidaamyadii maamul ee Somaliland soo maray oo dhan maanta lagaama filayo in aad ka damqato hadalada mucaaridka iyo doonistooda oo aad dalka mushkilad galiso , mudadii lagu doortay waxa ka hadhay lix bilood oo kaliya waxa muhiim ah in aad noqoto madaxweynihii koowaad ee aan maalin ku darsan ee wakhtigeeda doorashada ku qabtay.

Waa marka labaad e hadii aad tartamayso iyo hadii kaleba waxa aad abuurtaa saaxad siyaasadeed oo lagugula tartamo oo aan mad-madaw lahayn , sidoo kale waxa lagaaga fadhiyaa in aad diyaariso lacagtii doorashooyinka sadexda ah ee ururada siyaasada, Madaxweynaha iyo golaha guurtida .

Waa marka sadexaad e xuquuqdii siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland ee aan sadexdan xisbi ee xiligoodu dhamaadka yahay yaanay noqon wax loo adeegsado kala adkaanta mucaaridka iyo muxaafidka mudada koobani u hadhay ee hala dardar galiyo gudiga diwaangalinta ururada siyaasada sidoo kale khilaafka komishankana degdeg ha loo xaliyo.

MUCAARIDKA MID BAAN LEEYAHAY.

Hogaamiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah waxa aan leeyahay Madaxweynaha talada jooga xiligiisii sharciga ahaa ee la doortay ayuu ku jiraa , mudadaasi uu joogey hadimooyin badan iyo buuqyo siyaasadeed oo aad qayb ka ahaydeen ayuu wakhtigu ku dhacay , haddana waxa taagan qayb ayaad ka tihiin , madaxweynaha joogaa waxa uu xaq u leeyahay in uu mar labaad tartamo oo waa la dooran karaa oo wuu soo noqon karaa , Ururada siyaasaduna waa xuquuq dastuuri ah oo ka weyn doonista Madaxweynaha e qaylada idinka dhaceysaa ma waxa weeyaan Fiintu waxa ay ka oydaa roobka di’i doona ?

Ninkii is leh mustaqbalka dalka waxbaad ka noqoneysaa yaanu maanta sii dhigan eel , ee ha ka shaqeeyo sida ugu wanaagsan ee waxwalba inoogu suurtogali karaan umada jamhuuriyada Somaliland ku walaaloobayso waxa aynu ku jirnaa xili xasaasi ah Somaliland na waxa ay taagan tahay meel aduunka oo dhami indhaha ku hayo oo la eegayo e.

Marka labaad kursigiina iyo doonistiina dalkani loogu dagaalami maayo ee waxa haboon in lagu dagaalamo qaranimada iyo midnimada umada wax waliba oo ka hor imanaya oo dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland na ku ah dhibaato .

Marka sadexaad waxa la idinka rabaa in aydaan sharciga gacanta ku qaadan oo aydaan doorashooyinka dalkana ta aad rabtaana waa dastuuri odhanin ta kalena aydaan ka aamusin ee doorashooyinku dhamaantood waa dastuuri waxaana waajib ah in xiligooda iyo sida ugu macquulsan ee loo gali karo laga shaqeeyo oo wadajir loo suurtagaliyo doorasho walba.

URURADA SIYAASADA EE CUSUBNA MID BAAN LEEYAHAY.

Ilaa hada inta ogaalkay ah waxa diyaar ah ilaa todoba urur siyaasadeed ( 7 urur ) oo la rabo in ay ka qayb galaan tartanka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka ee bishan May dalka in uu ka bilaabmo ay tahay markaa waxa aan idin leeyahay yaan ururada siyaasadu u eekaanin wax ay ku kala adkaanayaan axsaabta siyaasada ee xiligoodu dhamaaday , ee waa in aad si wanaagsan isaga barbarisaan idinka oo xuquuqdiina siyaasadeed ku dagaalamaya marwalba.

Waa marka labaad e waa in aanay ururada siyaasadu noqon fursad ka lunta dadka jamhuuriyada Somaliland ee sugayey tobanka sanadood e waa in sii qiimo leh loola soo ban baxaa barnaamijyo iyo aragtiyo siyaasadeed oo umada jamhuuriyada Somaliland lagu kasbado ee ka daalan sadexdan xisbi ee xiligoodu dhamaadka yahay.

Waa marka sadexaad e tartanka ururada siyaasadu doorkan maadaama aanay doorashadii golaha deegaanadu la socon wuu ka hawl , dhaqaale iyo tabaabushe adag yahay kuwii aynu soo arki jirnay qof iyo qofaf koobani maaha wax ay u badheedhi karayaan ee waa in loo talo badsadaa oo hada intii isku aragti ka ah nidaamka siyaasadeed ee dalku sameystaan midow ama isbahaysi si ay u abuuranto saaxad siyaasadeed oo isbadel laga filan karaa.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

Maqaalada shabakadani ku soo baxaa waa aragtida iyo fikrada akhristaha oo qudhaata