





๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐๐ก๐ข ( ๐๐ข๐ซ๐ซ๐จ ) ๐จ๐จ ๐๐ฃ๐ข๐๐จ๐ฎ๐ญ๐ข ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐ ๐๐ซ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐, ๐๐ญ๐จ๐จ๐๐ข๐ฒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ง๐ ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee uu ku joogay dalka Djibouti ayaa waxa uu kulan quraac ah la yeeshay Safiirrada dalalka Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Kulanka ayay ujeedadiisu ahayd is xog-warrysi guud oo la xidhiidha Xaaladda Gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjirayaasha Waddamada Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska si gaar ah ugala hadlay arrimaha ay ka mid yihiin:
Ka wada shaqaynta arrimaha Amniga Gobolka iyo xoojinta iskaashiga xasiloonida Geeska Afrika iyo xallinta khilaafaadka ka jira Gobolka, isaga oo sheegay in ay Somaliland door muhiim ah ku leedahay arrimaha Amniga iyo Xasiloonida Gobolka.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Gobolka Geeska Afrika u leedahay in la iska kaashado Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu saddexda Danjire kala hadlay horumarinta dhaqaalaha Gobolka, fursadaha maalgashiga, fududaynta ganacsiga, iyo kobcinta mashaariicda kaabayaasha, iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjireyaasha saddexdan dal ku bogaadiyey xidhiidhka iyo wada shaqaynta ay dalalkoodu la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Waddammada Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska oo iyagu Safiiro /Wakiilo ku leh Somaliland, isaga oo Dawladda Faransiiskana ku boorriyey in ay Somaliland ka furtaan Xafiis /Safaarad.
Ugu danbeyntii Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






