Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo isku dhan.

Ujeedada kulankani waxa ay ahayd is-xog-waraysi la xidhiidha sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha baaxadda leh ee Golaha horyaalla, isla markaana kor loogu qaadi lahaa adeegyada muhiimka u ah bulshada ku nool Caasimadda dalka JSL.

Madaxweynuhu waxa uu Golaha Deegaanka Caasimadda si wadajir ah ugu ammaanay wax-qabadka wax ku oolka ah ee ay fuliyeen afartii sano ee ay xilka hayeen, waxana uu yidhi:

” Waan idinku hambalyeynaynaa shaqada wacan ee aad haysaan Adkaysiga iyo horumarka Hargeysa waxa ay tusaale cad u tahay xamilka iyo niyad adayga dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Madaxwaynuhu waxa uu Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimadda u sheegay in halbeega iyo hal-ku-dhegga Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay tahay Wadajir iyo Waxqabad taasoo si cad u qeexaysa mudnaanta ay Xukuumaddu siinayso midnimada iyo is aaminka ummadda JSL meel kasta oo ay ku nool yihiin.

Madaxwaynuhu waxa uu Xildhibaanada Caasimadda kula dardaarmay in ay dar-dar-geliyaan oo ay joogteeyaan kal-fadhiyadoodii caadiga ahaa iyo wada shaqaynta Golaha. Madaxweynuhu waxa uu Xildhibaanada xasuusiyay in kala duwanaanshaha afkaarta (Muxaafid iyo Mucaaridba) iyo doodaha siyaasaddu ay yihiin Quruxda Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaan-gaadhnimada dimuqraadiyadeena.

Ugu dambayntii, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Xildhibaanada Caasimadda hoga tusaaleeyey in ay Caasimaddeenu tartan kula jirto Caasimadaha kale ee Mandaqadda. Sidaa darteed, muuqaalka wacan iyo horumarka ka muuqda Caasimadda JSL waxa uu qayb muhiim ah ka qaadan karaa raadinta Ictiraafka aynu Beesha Caalamka ka doonayno.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝