Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa lagu wadaa in uu maalinta barito ah uu u socdaalo dalka darijska aan nahay ee Djibouti.

Madaxweynaha ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, socdaalka madaxweyne Cirro ayaa imanaaya iyada oo xidhiidhka labada dal uu gaadhay meel aad u hoosay.

Ma aha markii u horaysay ee uu madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu dalka dibadiisa u baxo tan iyo intii uu xilka qabtay hase ahaatee waxa uu Madaxweynuhu uu laba jeer u safray dalka Imaaraadka Carabta oo xidhiidh qoto dheeri uu inaga dhexeeyo kuwaasi oo dhamaantood midho dhalay