“Waxaan la soconaa xalaadda Suudaan annagoo walaac ka muujinayna, waxa aan la hadli doonaa labada dhinac, waxa aan reer Suudaan ku boorriyaan in ay mustaqbalka dal kooda u tudhaan, khilaaf kastana dhinac iska dhigaan.”
Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF ee caasimadda Khartoum iyo nawaaxigeeda ayaa geleya maalintii shanaad.
Tan iyo markaas, ugu yaraan 185 qof ayaa lagu dilay 1,800 oo kalena waa lagu dhaawacay iska horimaadyo hubeysan oo dhexmaray ciidamada iska soo horjeeda, sida ay sheegtay OHCHR, xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.