Madaxweynaha uu mudo xileedkiisii uu dhaafay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka abaaro 7 subaxnimo u jarmaaday dhanka iyo magaaladda Berbera ee xarunta go gobolka Saaxil.
Madaxweynaha oo ay galbinayeen ku dhawaad 40 baabuur oo isugu jiray kuwa raaxada iyo kuwo ka kooban ilaalada nadaxtooyada iyo ciidanka booliska iyo sidoo kale gaadhi Ambulance- ah ayaa qadar ku dhawaad waxa loo kala xidhay wadada halbawlaha ee ka soo baxda madaxtooyada ilaa bariga caasimadda, waxa habsan la galiyay oo dib u dhac uu ku yimid Basaskii siday ardayda iyo qaar ka mid ah dadkii shaqaalaha ahaa ee kalahaaya.
Muuse Biixi ayaa gobolka Saaxil waxyabaha uu u tagaayo waxa ka mid ah in uu mar labaad soo laab xaadho dadka deegaanka oo tan iyo intii uu xilja hayayba cabanaaya, oo la dhegaysan waayay cabashadooda oo aan waliba loo qaban wax muuqda, magaalada Berbera ayaa xiligan aad uga cabanaysa Laydh laan baahsan iyada oo xiligan dadka deegaanku ay ku sii qul qulayaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani taasi oo saaka godkiisii ka soo saartay madaxweyne dadkii soo doortay albaabda ka xidhay.