Daahir Rayaale oo lagu soo Dhaweeyay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay dalka.

Wasiirrada Arrimaha gudaha, Xanaanada Xoolaha, Ganacsiga iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ayaa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin oo ka yimid dalka Faransiiska oo uu tobankii sannocee la soo dhaafay uu deganaa.

Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa u mahadceliyay Wasiirrada soo dhaweeyay, waxaanu tilmaamay inay is waraysan doonaan inta uu joogo dalka.

Daahir Rayaale waxa socdaalkiisa ku wehelisay Afadiisa Marwo Hudda Barkhad.