Madaxweynayaasha Somalia & Eritrea oo kala saxeexday  Heshiis ka kooban 7-Qodob

Xasan Sheekh Afwerki

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo geba-gebaayey booqasho saddex maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.

Intii uu ku sugnaa Eritrea, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo madaxweyne Afwerki, waxa uu booqday ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalkaas muddo saddex sano ah iyo mashruucyo dhowr ah oo horumarineed oo dalkaas ka socda.

Kahor inta aanu kasoo dhaafin dalkaas, madaxweyne Xasan iyo dhiggisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa kala saxiixday heshiis afagarad, kaasi oo lagu baahiyey bogga Wasaaradda Warfaafinta Eritrea, waxayna labada madaxweyne isku raaceen qodobada soo socda:

1- Xoojinta xiriirka labada shacab, oo ay ku jiraan bulshooyinka qurbo-joogta ah.

2- Xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasi, si ay u ilaaliyaan sarena ugu qaadaan danahooda qaran.

3- Ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo bulsho ayada oo diiradda la saarayo ganacsiga, maal-gashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Kobcinta wada-shaqeynta dhanka dhaqanka, farshaxanka, dhaq-dhaqaaqyada cayaaraha iyo sidoo kale sayniska iyo teknoolajiyadda.

5- Sare u qaadidda iskaashiga si loo ilaaliyo sarena loogu qaado deegaanka waxna looga qabto musiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurada saf-mareenka ah.

6- Xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo ammaanka.

7. In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo horumarin lahaa xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.