MADAXWEYNEYAASHU DADKA AY XILKA U MAGACAABAAN INTOODA BADAN MA YAQAANAAN OO LAMAY SOO SHAQAYN WAA LOO KEENAA.

Adduunka horuu maray dawladahan adkaaday qofka xilka qabanayaa waa qof isasoo saaray oo dhisan lana yaqaano halka innaga kii denbiilaha ahaa ee tuugga ahaa ee cadawga ahaa uu innagu soo noqnoqonayo dadka noocaas ah waxa innoo keenayaa waa odayaasheennii iyo dadkii aqoonta la bidayay oo dabada ka Wada tuuggii in xil loo dhiibo mushkilddaasnna waxa lagaga bixi karaa marka danaysiga laga ogaado ee dalka loo soo jeesto.

Madaxweyneyaasha waxa haysata dhibaato aanaynaan dhammayn karayn waxa ugu yar wasiir uu xil u dhiibay oo awooddii ku takrifalaya inaanuu danta ummadda awgeed muddo dheer aanuu waxba ka qabanin ama aanuu eryin Waayo kuwii keenay ayaa daba socda sidaas awgeed ilaa ummaddu ay nacdo oo laga qayliyo lama eryi karo, waddankeennu weli awood umuu yelan anshaxmarinta daallinka qarsoon ee xilka haya insha allaah waxaynu gaadhidoonnaa masuuliyiinta qaldamay inay is casilaan oo ay diinta iyo dhaqanka raacaan madaxweyneyaasha dhibaatada haystaa ma yara waxa hor yaal boqol god oo dhaadheer oo uu is leeyahay haddaad kaas buuxisid kaasaad ku dhici iyo haddaad kaa dhaaftid waad ku turuturroon sidaas awgeed daalinka qarsoon ee xilka haya waxa lagaga adkaan karaa iyadoo ummaddu danteeda u midawda.

MAHADSANID.
BACAW MEDIA.
GUUL ALLE.
LONDON.