Madaxweynahan Oo Afrikan ah keliya 11 bilood ayuu dadkiisa sidan ugu adeegay;
Madaxweynaha Zambia Hichilema waxa uu xilka hayaa 11 bilood, muxuu qabtay?
Waxa uu hoos u dhigay sicir bararkii ka jirey dalka. markii kursiga yimid waxa uu marayey sicir bararku 25.6% maantana waa 9.7%.
Waxa uu sare u soo qaaday qiimaha lacagta Kwacha ee Zambia.
Waxa uu dhismaheeda bilaabay wershadda macdanta Nickel, taasoo Zambia ka dhigi doonta dalka Nickel ugu badan soo saara Afrika.
Waxa uu furay warshad khudradeed oo ay ka shaqo galeen 900 oo qof, sidoo kale waxay shaqo abuur ay u samaysay 1,500 oo beeraley ah.
Waxa uu 12% kordhiyey mushaharka shaqaalaha dawladda.
Waxa uu Waxbarashadii dalka ka dhigay bilaasha.
Waxa uu shaqaaleysiiyay 30,476 oo Macalimiin ah.
Waxa uu shaqaaleysiiyay 11,276 oo shaqaale caafimaad ah.
Waxa uu cashuurta ka dhimay liisanka shaqadda ee Kalkaaliyayaasha iyo Umulisooyinka, iyadoo markii hore midkiiba laga qaadi jirey 23 dolar, isaguna bishii Diseembar ayuu ka dhigay in qofkiiba laga qaado 6 dolar.
Madaxweynaha Zambia Hichilema ayaa hore afar bilood xabsiga kusoo qaatay sanadkii 2017-kii, markaas oo si been abuur ah loogu soo eedayey inuu ku kacay khiyaano qaran. Waxa uu wakhtiga ahaa Mucaarad.
Waxa uu xabsiyada ka saarayaa saxmaddii iyo cidhiidhkii, waxaana uu cafis u fidiyay 3,694 maxbuus.
Inaga madaxdeenu maxay sameeyan markay kursiga yimaadan?
~Maxamed Cabdullahi Islaam