Madaxweyne Biixi oo lagu Wado inuu Dhaqangeliyo Xeerarka Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran news)- Ilo looga qaateen ah ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Muuse Biixi uu saxeexayo dhaqangalka xeerarki doorashooyinka ee goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtidda iyo Wakiiladdu hore u ansixiyeen.

Warku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Muuse Biixi uu dhaqan gelin doono xeerka doorashooyinka inta ka horaysa 10ka bishan March. Si looga gudbo caqabadaha hor istaagi kara doorashooyinka madaxweynaha iyo ururrada Siyaasadda ee muddaysan inay dalka ka qabsoomaan 13ka November 2024ka.

Doorashooyinka oo qabashadoodu ku xidhan yahay wadajirka ummadda reer Somaliland iyo dib u soo noolleynta sumcadii dimuqraadiyadda ee dalku ku lahaa beesha caalamka oo ku ammaani jirtay Somaliland furfurnaanta doorashooyinka iyo nabadgelyada.

Madaxweynaha Somaliland ayay magac u soo jiiddi doontaa hirgelinta doorashada madaxtooyada ee muddo dhaaftay iyo doorashada xisbiyada cusub ee ka dhallan doona dalka.

Sidoo kale waxa doorashooyinku ka nixin doonaan cadowga Somaliland ee ka xun qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.