
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐ก๐๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐











Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka JSL.
Kormeerkan ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu ugu kuur galayay hab-sami-u-socodka hawlaha Ciidammada Qaranka JSL.
Madaxweynuhu intii uu ku sugnaa Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, waxa uu kulan iyo la yeeshay Taliyaha Ciidanka Qaranka Mudane Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan (Gaaxnuug) iyo Saraakiisha sare ee ciidanka, isaga oo warbixin buuxda ka dhageystay xaaladda guud ee Ciidanka Qaranka, baahiyahooda iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in kulamada uu la yeelanayo Ciidamada Qaranku ay joogto noqon doonaan.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Ciidanka Qaranka hawlaha culus ee ay u hayaan dalka iyo sida ay mar walba heeganka ugu yihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda, isaga oo tilmaamay in Ciidammada Qaranka Somaliland ay yihiin tiirka ugu weyn ee Qarannimada iyo jiritaanka Dawladnnimada. Madaxweynuhu waxa uu cadeeyey in la sii xoojinayo tababarrada iyo qalabaynta Casriga ah ee Ciidanka Qaranka, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo waajibaadka dastuuriga ah ee uu Ciidanku leeyahay.
Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in la bilaabi doono dhismaha guryo ay yeelan doonaan Ciidamada Qaranku, arrintan oo ku jirtay balanqaadyadii Madaxweynaha ee xilligii Olalaha Doorashada. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa cadeeyey in dhawaan la dallac-siin doono Saraakiisha Ciidamada ee ay u gaadhay mudadii ay ku dallaci lahayeen.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Shahaadooyin guddoonsiiyey Sarkiil Ciidan oo toobabarro kala duwan ku soo qaatey dalka dibadiisa.
Kormeerkan ayaa ahaa mid si cad u muujinaya sida uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudnaanta koowaad u siinayo dhismaha Ciidan Qaran oo casri ah, kaasoo awood buuxda u leh sugidda amniga iyo difaaca Qaranka JSL.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





