











































๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐-๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐๐ ๐๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay Xuska Sannad-guurada 32-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, Munaasibaddan oo lagu qabtay Hoolka weyn ee Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu halkaa ka jeediyey hadal isugu jiray mahad-naq, dhiirrigelin iyo guubaabo, isaga oo Ciidanka Booliska JSL si weyn ugu ammaanay shaqada culus ee ay Qaranka u hayaan iyo doorka taariikhiga ah ee Ciidanka Boolisku uu ku leeyahay ilaalinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo kala dambaynta bulshada Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska JSL ku bogaadiyey horumarka la taaban karo ee Ciidanka Boolisku ay ku tallaabsadeen muddada kooban ee ay Xukuumaddu jirtay.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Ciidanka Booliska JSL uu yahay saldhigga nabadda aynu ku fadhino, ku seexano kuna soo toosno, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Ciidanka Boolisku uu yahay laf-dhabarta Dawladnimada iyo astaan muujisa adkaysiga iyo midnimada Qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumaddiisa ay ka goโan tahay tayeynta iyo casriyeynta Ciidanka Booliska JSL si ay ula jaan-qaadaan baahiyaha amni iyo kuwo bulsho ee sida joogtada ah isu bedelaya, si ay awood buuxda ugu yeeshaan gudashada waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta sharciga, nabadda iyo hantida shacabka.
Munaasibadda Xuska 32-guurada Aasaaska Booliska JSL waxa iyaguna ka hadlay, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab iyo Hoggaanka Hawlgelinta, Mudane Ibraahim Xaaji Cabdi oo dhammaantood Ciidanka Booliska oo ka xog-warran arrimaha muhiimka ah ee u qabsoomay Ciidanka Booliska JSL muddadii koobnayd ee ay jirtay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.
Sida oo kale, waxa ay si weyn ugu ammaaneen shaqada adag ee ay Ciidanka Boolisku Qaranka u hayaan, iyaga oo bogaadiyey geesinimada, daacadnimada iyo dedaalka ay muujiyeen si ay u sugaan amniga iyo nabadda dalka.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Ciidanka Booliska JSL
ku booriyey in ay sii wadaan hawlkarnimada, daacadnimada iyo wadaniyadda ay ugu adeegayeen Qarankooda muddo 32 sano ah, isaga oo shacabka nabadda jecel ee Jam. Somaliland ugu baaqay in ay garab istaagaan lana shaqeeyaan Ciidankooda Booliska.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






