




๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐จ๐ -๐ฐ๐๐ซ๐ซ๐๐ง ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐ข ๐๐๐ซ๐๐ง
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Madaxtooyada kulan Xog-warran Qaran ah kula yeeshay Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland: Waddani, Kaah iyo Kulmiye.
Kulankan oo ahaa mid lahaa miisaankiisa siyaasadeed, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada iyo xasilloonida Qaranka, dhaqaalaha, geeddi-socodka siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo doorashooyinka soo socda, isaga oo Madaxweynuhu Xisbiyada Qaranka la wadaagay xog-warran ku saabsan xaaladda guud ee Qaranka iyo jihada uu dalku u socoto.
Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka sare ee Xisbiyada Qaranka uga xog warramay ujeeddada iyo guulaha diblomaasiyadeed ee safaradii shaqo ee uu ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay in labadan safar ay ahaayeen kuwo istiraatiiji ah oo kor loogu qaadayay xidhiidhka Somaliland ay la leedahay dalalkaas, isla markaana lagu xoojinayay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga, iyo xogogaal u noqoshada arrimaha saamaynta inagu leh ee ka socda Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Xisbiyada Qaranka xusuusiyey in Dimuqraadiyadda iyo Wada-tashigu ay yihiin Tiirarka ugu muhiimsan ee ay Dawladnimada Somaliland ku taagan tahay, isaga oo carrabka ku adkeeyey in nabadda, midnimada ummadda iyo danta guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay mar walba mudnaanta koowaad leeyihiin.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Xisbiyada Qaranka uga xog-warramay hab-sami-u-socodka arrimaha Gogosha Nadda ee Ceerigaabo, isaga oo sheegay in dedaallada nabaddu ay si wacan uga socdaan Ceerigaabo.
Madaxweynuhu waxa uu Saddexda Xisbi ku booriyey in ay xoojiyaan wada-shaqaynta Xukuumadda iyo ta dhexdoodaba, si dalku u sii ambaqaado jidka nabadda, horumarka iyo wada-tashiga Qaran ee ay Somaliland ku caan baxday.
Dhankooda, Hoggaanka sare ee Xisbiyada Mucaaridka ah (Kaah iyo Kulmiye) iyo Xisbal-xaakimka (Waddani) ayaa soo dhaweeyey kulanka Xog-warranka ah ee uu Madaxweynuhu ugu yeedhay, iyaga oo tilmaamay in tallaabadani ay tahay tusaale wanaagsan oo ka tarjumaya Dimoqraadiyad iyo Qarannimo dhab ah. Waxa kale oo ay sheegeen in ay Xukumadda ku garab taagan yihiin arrimaha Masiiriga ah ee Qaranka JSL.
Kulankan xog-warranka Saddexda Xisbi Qaran ayaa ahaa mid muujinaya dedaalka joogtada ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku aaddan ilaalinta wadajirka, xasilloonida, iyo wadatashiga siyaasadeed ee astaanta u ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.






