













๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข (๐๐ข๐ซ๐ซ๐จ) ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐, ๐๐ ๐๐๐ฌ ๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ ๐๐จ๐จ๐๐ฅ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ ๐๐จ๐จ๐๐ข.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa gurigiisa magaalada Boorama ku booqday Ugaaska Guud, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah oo muhimmad iyo mudnaan gaar ah lahaa, ayaa lagu lafa-guray arrimo muhiim ah oo taabanaya nabadda, wadajirka ummadda iyo horumarka dalka, waxa lagaga wada hadlay doorka soo jireenka ah ee uu Ugaaska Guud ku leeyahay dhismaha Qaranka JSL iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Ugaaska ku bogaadiyey hoggaamintiisa xikmadda iyo xasilloonida ku dhisan, isaga oo xusay in hoggaamada dhaqanku ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu ilaaliyo wada-noolaanshaha iyo wadajirka shacabka Somaliland.
Dhankiisa, Ugaaska Guud, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqay booqashada uu ugu yimid, sidoo kalena bogaadiyey dadaallada uu Madaxweynuhu ugu jiro adkaynta nabadda iyo horumarinta dalka, isaga oo Ugaasku ballan qaaday in bulshada ballaadhan ee uu Ugaaska u yahay ay si buuxda u garab taagan yihiin Qarannimada iyo Dawladnimada Somaliland.
Waxa xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada uu ku ballan qaaday in Ugaaska Guud, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble uu dalkiisa si nabad, xushmad iyo karaamo leh ugu soo noqon doono. TAASINA WAA BALLAN QAAD KALE OO UU FULIYEY MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN CIRRO.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland





