Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ku dhawaaqey in la jabiyey qiimaha laydhka Magaalada Borama iyada oo uu ka dhigay 0.59.

Sidoo kale madaxweynahu waxa uu qiimo dhimis xoogan ku smeeyay biyaha oo uu ku dhawaqay in laga dhigay Shantii foosto ee biyaha aah 11kun oo shilinka Somaliland ah.

Madaxweyne Cirro waa madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland soo mara ee shicibka u jabiya laydhka iyo biyaha isla markaasina arimo badan wax ka qabtay mudadii yarayd ee ù xilka hayay arintaasi oo umadda reer Somaliland farax galisay.