𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐞𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥𝐝𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐚𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚, 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐲𝐚𝐡𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢































Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa magaalada Ceerigaabo kulan mihiim ah la yeeshay Haldoorka, Waayeelka, Aqoonyahanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Warsangeli, oo uu hoggaaminayey Suldanka Guud ee Beelaha Warsangeli, Suldaan Siciid Suldaan Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire.
Kulankaasi ayaa ahaa mid ku dhisanaa kalsooni, is-qaddarin iyo Wadatashi Qaran, waxaana lagaga hadlay arrimo waaweyn oo dalka khuseeya, oo ay ka mid yihiin xoojinta nabadda, midnimada ummadda, wada-noolaanshaha bulshada ku wada nool magaalada Ceerigaabo, iyo doorka beesha Warsangeli ee dhismaha iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay Suldaanka Guud iyo Madax-dhaqameedka kale kaalintooda Taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada Gobolka Sanaag, isaga oo carrabka ku adkeeyey in nabadda iyo wadajirka ummadda Somaliland ay yihiin hantida ugu qaalisan ee ay bulshadu wada leedahay.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumaddiisu ay si dhab ah u qadarinayso doorka ay beesha Warsangeli ku leedahay dhismaha Qaranka, isla markaana ay muhiimad gaar ah siinayso in talada iyo masiirka ummadda lagu dhiso wadatashi, cadaalad iyo kalsooni.
Guud ahaanba labeenta iyo haldoorkii Warsangeli ee kulanka ka qaybgalay ayaa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweynaha, iyaga oo bogaadiyey hoggaamintiisa daahfuran, dedaallada uu ku doonayo in lagu xoojiyo nabadda iyo midnimada bulshada Gobolka Sanaag.
Sida oo kale, Beel-weynta Warsangeli ayaa muujiyey taageero buuxda oo ay u hayaan qadiyadda iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland, kuna ballan qaaday in ay door muuqda ka qaadan doonaan xoojinta nabadda iyo horumarka dalka.






