Writen by Qaran News |

Madaxweyne degmada Faraweyne ma adigaa handarabaya mise cid kalaa walaaqaysa?

Degmada Faraweyne ee gobolka Maroodijeex ,waxay ka mid ahayd degmo sugayaashii 1960 madkii ,xuduudaheeguna waxay kala ahayeen dhinaca oogada xadka Somaliland iyo Itoobiya ,kuna dherarin xududa xadka labada dal dhinaca galbeedk balayga Abusite oo 4 km u jira degmada Alaybaday ilaa bariga tuulada Gumuraha dhinaca waqooyiga waxay ku eekayd tuulada Ceel la helay

Degmadu sadex iyo sodonkii kursi baarlamaan ee Somaliland 1960kii degmadani waxay ku lahayd 1 kursi barlamaan

Wakhtigii halganka degmadani waxay ka mid ahayd meelihii dalka laga xoreeyey ee snm kalsoonida badan ku qabtay shacabkeeduna ahaayen wada halgama
Lagana xoreeyey magaalada hargeisa
Dadku libinta wey wada sheegtaan laakin degmadani somaliland abaal bay ku leedahay lakinse kamay helin

Arimaha sida gaarka looga xusi karo waxa ka mid ah

18/01/1987 bixitankii ciidankii la magac baxay gaaska cad oo tiradiisu dhamayd 150 askari iyo taliyehogii mujaahid Cumar Jaamac saanadiisun u dhamaystirnayd dhamaantoodna ka soo jeeday degmadan

Bishii april 1987 degmadan waxa iskaga hayaamay dadkii deganaa oo ka soo horjeestay mamulkii Afweyne una talaabay Itoobiya halkaaana lagu qaabilay noqdayna qaxoontigii ugu horeyey ee reer Somaliland ee Itoobiya qaabisho waxayna dhanayeen ilaa 1500 qof

1984 degmadani waxay ahayd xaruntii Snm ee aaga galbeed ahaydna tuulada lafta Faraweyne ee degmadani

1989 degmadani waxay ahayd degmadii gogosha u fidisay oday dhaqmedkii guurtida somaliland halkaasna lagu aasaasay golaha guurtida somaliland

Degmada caynkaas ahayd intii somaliland madaxbanaanida la so noqotay degmadan malinba maalinta la danbaysa waxa laga jarayey tuulooyin badan hada badankooguna yihiin degmooyin sida
Degmada bali cabane
Degmada sayla bari
Degmada darasalaam

Hada oo la joogo waxa la isku dayey inkastoo lagu guulaysan in degmada la jaro tuulada dacarta oo hada loogu yeedho degmo iyadon haba yaratee wax shuruud degmo nimo aan buuxin
Taas micnahoogu tahay in lagu wiiqo awooda degmada iyo baaxada dhul ahaneeed
Degmada faraweyne wakhtiga doorashooyinka waa degmada kaliya ee la isku haleeyo cod badana siisay xisbiga kulmiye kana cod badan dhamaan degmooyinka hoos yimaada gobolka maroodijeex

Intaaasi waa degmada arimaheega hadaba aan u soo noqdo maxa ku cusub degmada haaatan ,xaaalad nooce ah ayey ku sugan tahay

Degmada Faraweyne waxa jira in la doonayo in la wiiqo degmo nimadeeda iyo baaxada dhul ahaaneed isla markaana ay ka wada shaqeynayaan xukuumada hada talada dalka haysa iyo niman aanu ognahay cida wadata iyo halkay ka socotaba hawshu

Madaxweynaha somaliland waxaanu leenahay madaxweyne degmadani waa degmadad ku dhalatay sharaf bY ka mudan tahay laakin inad dumiso kaamay mutaysan waa degmadii wakhtigii ololaha ducada ku qabatay codkiina adiga ku wada siisey

Madaxweyne waad la socota oo cidi kaagama war roona degmada faraweyne waa inaad degdeg wax u qabta arimaha ka taagan degmada ee ay ugu horayso maamul xumadu waa inaad madaxweyne cida doonayso inay degmada tuuloyin u kala qaybiso waa inad so qabata waad ogatahaye hadii kale cidna u daba fadhiisan mayno hadanu nahay qurbo joogta degmada faraweyne hadii degamda sidan laga dayn waayo ogow waa halkii laga so gali lahaa dadka degaankana waxanu ku qancini donaa inay dagalman oo cidii isku dayda inay ka shaqeynayso burburinta deganka inay la dagalman anaguna dhaqalaha ayaanu u so diri donaa
Wadankii oo dhan baa handaraaban maaantana ma faraweyna la handarabaya maadaxweyne
Baalayo madax la qabtay leedahay ee daba lama qabto ma leh ayan ku so ururinayaa maqaalkaygan

Osman ali
Social activist