Madaxweyne Joe Biden oo ka dhacay Baaskiil

Xaalad casbi ah ayaa soo wajahday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden kadib markii uu ka dhacay baaskiil uu kaxeynayay xilli uu isku dayay inuu istaago si uu u salaamo taageerayaashiisa, madaxweynaha ayaa ku sugnaa gobolka Delaware.

Wax dhaawac ah masoo gaarin madaxweynah balse si deg deg ah ayuu isku qabtay.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay in xaaladdiisa ay ka wanaagsan tahay kadib markii uu la turaanturooday baaskiilkiisa.

Waxaa la sheegay in baaskiilka ay ku timid cilad farsamo uuna u baahnaa dayactir