Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo taliyaha Ciidanka Qaranka JSL oo ay wehelinayeen badhasaabka Sanaag iyo Maayar ku-xigeenka Ceerigaabo ayaa maanta wakhti la qaatay oo la shaaheeyey lana sheekaystay dad weynaha ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo ay iska xog-waraysteen xaaladaha Degmada iyo sidii looga shaqayn lahaa nabada iyo horumarka Ceerigaabo.

Dhanka kalena Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo taliyaha Ciidanka Qaranka JSL oo ay weheliyeen masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda ayaa salaadii Jimcaha Masjid Jaamaaca Ceerigaabo kula tukaday Bulshada ku dhaqan xarunta Gobolka Sanaag

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa khudbad kooban salaadii Jimcaha kadib u jeediyey Bulshada ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo ,ayaa oo si weyn ugu dheerada mihiimada ay nabadu u leedahay aadamaha iyo sida ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAX-BAD uga go’an tahay hirgelinta mashaariic waa weyn oo horumarineed oo ay ka hirgelinayso Gobolka Sanaag.

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa shacabka gobolka Sanaag ka codsaday inay kala shaqeeyaan nabada iyo qorshayaasha horumarineed ee Magaalada Ceerigaabo.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐