Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay weheliyaan Wasiiro ka tirsan xukumadaasi Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa ayaa maanta goobjoog u ahaa qoditaanka Ceel Biyoodka labaad ee laga hirgalinayo Deegaanka Dara salaam oo noqonaya Wajiga labaad ee biyo balaadhinta Caasimada Hargaysa.
Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Somaliland iyo waftigii u hogaaminayey ayaa soo kormeeray Biyo xidheenka Kalqoray.