Madaxweyne Kuxigeenka iyo Wefti Culus oo uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Boorama

Boorame(Qaran news)-Wefti uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan wasiirrada waxbarashada iyo Sayniska, Ganacsiga iyo Dalxiiska,wasiir ku xigeenka warfaafinta,Guddoomiye ku xigeenka Komiishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa,Agaasimeyaal guud oo ka kala tirsan wasaaraddaha kala duwan ee xukuumadda ayaa maanta gaadhey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa dhagax dhigay markii uu gaadhey magaalada Boorama Dhabaha diyaaraduhu ay ka haadaan ee garoonka diyaaradaha magaalada Boorama.

Waxa ugu horayn munaasibadii lagu dhagax dhigaayey dhabbada ay diyaaradduhu ka haadaan ee garoonka diyaaradaha magaalada Boorama ka hadlay Maayirka degmada Boorama Maxamed Axmed Warsame (Baradho) iyo badhasaabka gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi (Xasan Ciid),waxaanay sheegeen in shaqadii Madaarka Boorama ay bilaabantay,waqtigana la dhisaayo Dhabadii diyaaradduhu ka haadayeen.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Maareeyaha Hayโ€™adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan,waxaanu sheegay in 2 Km oo Dhabbo ah oo diyaaraduhu ka haadaan sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiri doono.
Maareeyaha ayaa sheegay in ay bannayn doonaan 800 km oo garoonka dhulkiisa ah,kaas oo laga durkinaayo dadka degan,waxaanu ballan qaaday in bisha 6aad ay duulimaadyadu ka bilaabmi doonaan.
Dhankoodana waxa halkaas ka hadlay wasiirrada wasaaraddaha Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr Axmed Aadan Buuxane iyo Ganacsiga iyo Wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin),waxaanay kula dardaarmeen bulshada beeralayda ah ee deegaan agagaarka madaarka magaalada Boorama in ay maamulka gobolka Awdal la shaqeeyaan iyo in ay ka qayb qaataan hor-u-marka gobolka,isla markaana ay iska daayaan wararka ku tiri ku teenka ah,iyaga oo xusay in xukuumadda Somaliland ay maalgelinayso dhismaha madaarka magaalada Boorama.

Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),waxaanu ka sheekeeyay maraaxilkii uu soo maray dhismaha madaarka magaalada Boorama,isaga oo qurba joogta gobolka Awdalna usoo jeediyay in ay xukuumadda kala shaqeeyaan horumarka gobolka Awdal oo ay ugu horayso dhismaha madaarka magaalada Boorama.

Weftigan uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa uga sii gudbay magaalada Boorama deegaanka Qol-u-jeed oo ka tirsan deegaamada gobolka Awdal,waxaana afaafka hore ee Qol-u-jeed ku soo dhaweeyay weftiga madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland bulshada deegaankaas qaybaheeda kala duwan oo caleemo qoyan iyo calanka Somaliland ruxaayey.