Writen by Qaran News |

Madaxweyne Muuse Arinkiisu waa Qawda maqashii oo waxba ha u qaban Sool iyo Koonfurteedka Xaladaha Aaga we ka jira?

Halka Ummadu ka Aamusan tahay,Sool iyo Dhibaatada ka jira , Mucaaradkana Tooshkoodu yahay mid Muuse uun laygu ifinaayo .

Madaxweynaha JSL Md Muuse Bixi Cabdi waa markii labaad uu meel fagaare ah kaga hadlo Dagaalkii ka dhacay Gobolka Sool Koonfurtiisa iyo dhibaatadii ka dhalatay ee Naf  bax iyo Dhaawac ba leh  .

Waxa Howl gal ah oo Xukumadiisa  Guud ahaan ba iyo ta  Ummada JSL oo la taaban karto ku dhawaaqday ama kaga qayb qaadanayso xal-uhelida dhimaabada ka dhacaday Gobolka Sool Koonfurtiisa wali ma jirto .    Waa marki ugu horeysay  ba la odhan karraa ee sidani ay dhacdo ,  Meesha waxa ka dhaceen  iyo Ummada isku shufbeeshayba waa Ummadii Jamhuriyad Somaliland  inay labo  isu keen -raacan ma ahayn  waxii lagu yiqiin Ummadeena  iyo sharafeeda .

Tolow marka Madaxweynaha Arinkiisu ma “Qawda maqashii oo waxba ha u qaban baa” Ma uu iska Aamusnaado sidaa ayaa u wanaagsan lahayd! Waayo  Aranita sidaa u Qadhaadh ee aanu wax howl gal ah ka gelin inuu ka hadlo ma qurux badana. Sidaa Ummaduba uga amusan tahay ayaa la gudboon Madaxweynaha iyo Xukumadiisa ba .

Mucaradkii iyaguna waxay noqdeen kuwo Tooshkoodu yahay inay Xukumada Muuse uun ku shidaan oo wax kasta oo soo foodsara Qaranka dhinac kast  ha noqotee waxay u haysatàn inaan Xil-kasareyn ka howl galkeeda iyo u dhaqaadiida ba.  

Taasi ma noqon karto Mucaarad sugan oo Aqoon ,karti, Hagar baxa Qaranku ka muuqdo ee waa Mucaraad ah u adeegaya Danta shiekhsiga iyo sheega shada waxa aan dhab ahayn oo aan muuqan oo aan dhaqaaq iyo damqasho ,lex-jecelo la,aan ku  isugu soo Biyo – shubaneysa .   

Waxa ummada wax Garadka iyo da,ayarat iyo inta damiirka dadnimad lihi  shaqaynaayo in si wada jir ah  loogu  gurmado Arinta Maanta Dalkeena gudihiisa ka dhacaday ee Soomaalidii Koonfurta iyo Galbeedka iyo kuwii  Wajeer ,Madheeri  inooga  horeeyen  gurmadkoodii iyo soo ba gaadheen walina goobta aan lagu heyn wax Jamhuuriyada Somaliland ah .

Iyado laba kaalmood oo waa weyn aynu kaga qayb qaadan karno oo kala ah.

In Madaxweynuhu dul-dhigoo Cidan ka Qaranka oo mug iyo Miisaan leh  xasiloonida iyo kala dabeynta gacan  wax  ku ool ah ka geysta inta ay socoto waan waanta iyo su soo jiidka   Labada Beellood ee Walaha ee dhibaatadu dhexartaya Wuufuda kale duwan ee Gurmad ah ee halka yimi dhinac kasta  oo ay ka yimaadeen ba  ka dhex wadaan isla mar ahanata doonayan in xal oo helo dhibaatad  so oaf-jarkeeda , halkaana karam iyo haykalka  Nabada iyo Dawladnimada  Jamhuuriyad Somaliland waxay  tahay iyo halka ay mareyso  si  dadban oo cilmiyeeysan loo dareensiiyo Soomalida kala duwan ka kala timi  saddex Meelood oo Somaalidu degto  oo kala Kiiniya ,Ethopia Soomaaliya .

Halka kale wax in Gurmadka oo mid Ciidan ,Ummadeed iyo  midka guud ahaaneed oo Heer Qaran ah iyadan in  lagu dhaqaaqo  balse Madaxdii iyo Ummada Haldoorkeed wali  wax u dhaqaaqay lama arko  marka laga tegi waayo mid meelah asago Hudheel fadhiya hadal ku yidhi mooyaan sida Madaxweyne Muuse Bixiiyo xukumadiisiba Ficilkood iyo aqoontodu  kartiidood.Masuuliyadii dhameyd ee sareyd  wax meel ka muuqda ama isu xilqaama aan la kareyn maba la maqleyn ilaa iyo haatan la joogo .  Waxa arinkeeni ku soo afmeer maya sheegasho iyo hadal meel laga yidhi taasina Qaran ahaan ma wanaagsan  guuldarro inoo horseedo  mooyiye .

                                          Gebo-gebadii Gunaanka

Ummadu waxay leedahay Muuse bixi ma waxanu ku moodna mise waxaan loo noqon doonin ! , Waa intii codkood iyo Cuduuda dul-dhigay  dhaqaale inuu hogaanka Dalka, qabto ee  waa  inta  mudan inay  dibu eegis ku sameeyaan  waxay  tacabkoodii  dhalay Maanta Xerro u jira .

Marka  ummad waxa la gudboon inay dib u eegis ku sameeyaan . Hadii Madaxdii Qaranku Haraabkii la sheegay iyo isku quful noqotay  ,Mucaaradkuna noqdeen kuwo dhibaatooyinka  Qaranka  soo foodsaaray ka yihiin kuwo  Moogan  kana dareen  waxyaabah Mucaardnimadood adkeynaya kana dhigaya kuwo u leylyan inay hantaan hogaanak dalka kuna soo badhigaan  Hufanaantood iyo himiladooda Aqooneed  Karti Waayo-aragnimo .

Abokor Mohamud

abokorm@Hotmail.co.uk

Bolton UK