Madaxweyne Muuse Biixi maantana dhabanahays iyo amankaag hor leh buu keenay. In uu dhaarta xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland goob joog ka ahaado ayuu waajibkiisu ahaa.
Wuuxuuse door biday in uu 7dii xubnood ee Komishanka sida ay shaqaalihiisa yihiin ula hadlo oo weliba sida uu isagu jecel yahay u amro ama ugu yeedhiyo.
Komishanku waxay garsoorayaal ka yihiin arin uu isagu daraf ka yahay. In uu sida doorashooyinku u kala horeeyaan u yeedhiyo amaseba kalaba hadlo waa xaaraan sharci oo maqdac ah, waa faragelin uu caadaystay oo ka baxsan xeerka iyo xayndaabka sharciga doorashooyinka.
Siduu Madaxweynaha maanta Komishanka ula hadlay hadday aqoon ka tahayna waa guuldarro qarankeenna ku habsatay, hadday ula kac ka tahayna waa gulcub.
Intii aannuu Madaxweynuhu Komishankii hore fara gelin oo kala dirin si uu tartan la’aan kursiga ugu sii fadhiyo wakhtigana u rido, 3da xisbi qaran ee hadda jira ayaa doorashada Madaxtooyada tartankeeda xaq u lahaa.
Waxaanu halkan ka caddaynaynaa axsaabta mucaaradka in aanuu xuquuqdoodi tartan ee 13 November 2022 xeelad iyo ila meereyso kaga duudsiyi karayn.
Hadduu taa ku adkaysto yuu Madaxweyne u noqonayaa ma qayb ama koox keliya? Ma ummadaas isku duuban ayuu qoqob, qas iyo qalaalaase dhex dhigayaa?
Marka la eego xaqa Distoorku axsaabta Mucaaradka siiyey doorashada Madaxweynahaa horayso, xataa hadduu dib u dhac yimaado. Aqlabiyadda shacabweynaha JSL iyo intii sharciga iyo caddaaladda dabiiciga ah aaminsanina wey nala qabaan.
Waxaanu Madaxweynaha ku leenahay xaq uma lihid in aad Komishanka doorashada u yeedhisid shaqadooda siday u qabanayaan.
Waxaanu Madaxwaynaha faraynaa in uu hab-dhaqankaas sharci darrada ah ka waantoobo. Saddex xubnood oo Komishanka ah buu aqoontooda iyo iimaankooda isagu ku soo magacaabay.
Ha iimaansado oo afkiisa ha ka haysto. Komishanka cusubna waxaan leeyahay dheg how dhigina, dhaartiyo wacadkana adkeeya. Madaxweyne Muuse idinka oo muddo xileedkiinii ku jira ayuu tagayaa.
Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal”
Xoghayaha Warfaafinta – Xisbiga WADDANI
May be an image of 2 people and text