Writen by Qaran News |

Hargeisa,(Qaran news)- Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa lagu wadaa in ay ugu anbabaxaan dalka Itoobiya.

Socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haya martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawlada Itoobiya, waxana lagu wadaa in madaxweyne Biixi uu la kulmo Raysalwasaaraha dalkaasi iyo wasiirka arimaha dibada.

Ma cada ilaa hada maalinta uu madaxweynahu bixi doono, sidookale wax war ah oo ku saabsan socdaalka madaxweynaha kama uu soo bixin xukuumadda Somaliland, hase ahaatee wararka ay helayso shabakadani qarannews, waxa ay sheegayaan in madaxweynahu uu bixi doono todobaadka fooda inagu soo haya.