Madaxweyne Muuse oo Shaaciyay Hadal sii Murginaya khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka Taagan

Hargeysa(Qaran news) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashooyinka ururrada iyo midda madaxtooyada oo u kala dambayn doona sida ay Komishanka doorashooyinku jadwalka kusoo saareen.

Waxaanu hadalkiisu sii hurinayaa khilaafka dalka ka taagan oo ay xaalladu marayso meel halis ah oo kooxo hubaysani sheegtaan inay caddaalad darada iyo dulmiga Xukuumadda Muuse ka dagaalamayaan.

“Haddii ALLE yidhaahdo sida uu yahay qorshaha guddida doorashooyinku ayaynu doorashooyinkii u galeynaa, tii xisbiyada iyo ururada ayaa soo horraynaysa, 3 xisbi Qaran ayaa soo bixi doona, 3 ayaa madaxweyne u tartami doon,”ayuu yidhi Nadaxweynuhu.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waajibka Qaran ahaan ina saaran waxa weeyi labadii sano ee golaha guurtidu kordhiyeen in aanay maalin innagu dhaafin, inta ka horraysa aynu dhammeysano madaxweynaha la doortay iyo xisbigaba, waana mid sharciya, waana danta Qaranka, taasina si nabadgelyo ah oo sida aynu maanta gacmaha isu haysano ah ayaynu u qabsan doonaa”