Writen by Qaran News |

Madaxweyne Siilaanyo, Intuu Kursiga ku fadhiyey Somaliland dhinac
Kasta Gude & Debedba wey ka soo oodantay, oo Debediina Caalamkii
waa Caawimadii ka joojiyey, kolkuu Debedaha u baxa aan cidna la kulmin,
Gudihiina, Abaar, Sixir-barar, gaajo & cuduro,, & Hanti-Boob & Maalgashi
isbarbar Socda.
Madaxweyne Shirka Ganacsiga Xorta ee uu ufuray Warqada uu ka hor akhriyey, muxuu macna ee ay
soo kordhiseen, Shicibkii Maalin ay ka dhibaato badan yihiin oo intay Somalilan jirtay soo maray ma
jirto, xiitaa Kolkii dhulku Dagaal ka soo doogey, tan maanta haysata ee Sixir-bararka & Gaajadu ay ka
daran tahay ma jirto, oo xiitaa uuqayada waaweyn la xidhay, hadana Siilaanyo waakaa Xaraashaya
Xaqul-Qalin guranaya, ee Boob & Dhac Dekedii, Airportyadii, Dantii guud meel u dhaafay jirin, weliba
wuxuu ku faana inuu dhaqaalyahan yahay, hadan Shilinkii Somaliland ayuu dejin kari la, yahay.
Siilaanyo waxay tamartiisii ku soo ururtay, Gudi Heblaayo ayaan u magacaabay, kuwaasina waxay sii
murgiyaan mooyee waxay soo kordhiyaan ma jiro,.
Imika Labada Gudi ee ugu waaweyn, waa Gudidii abaaraha, & kuwan hada ee ka soo kabashada Abaarta
Gudidii abaaruhu Magac mooyee Manfacooda lama arag, oo Shicibku Gudidii abaaraha ma aragno, hal-
noo soo gurmado, Cid u gurmatay oo abaarihii wax ka qabatay & Gudi abaaro u tagtay lama arag manay
jirin, Imikana Gudidan uu sameeyey, waa kuwii horw oo Saylicigii ku guuldaraysatay ee meel qudha aan
tegin & Sh,Khaliil ayuun buu ku soo celiyey, udidana waxay soo kordhinaysaa ma jiro, Dadkii Baahida
Gaajada & Haraadka Qabay ayey wax u tari waayeen, ma Imiko Ilaahay Qaboojiyey oo Haraadkii ka ba,ay
ayey wax gaadhsiin, Qofkii Haraadkii & beercadaadkii waxba siin waayey, Maanta oo araadkii Ilaahay ka
qaboojiyeyna waxba u naxariisan maayaan.
Madaxweyne Siilaanyo, inaanu waxba la socon waxa kuu cadaynsa, Dekedii & Airportkii Berbera wixii
Xaqul-qalin & Dhaqaale ka soo galay kumuu dhawaaqin Taakulaynta intaas ayaan ugu deeqay, ee Shicibkii
Gude & Debed usoo gurmado oo dhaqaale & malaayiin hala soo guro, oo Isagii Siilaanyo Umada u dhaartay
kol haduu Dekedii & Hantidii Umada ee uu xaraashay aanu Milyan Doollar ama Boqon Kun oo Doollar ku
dhawaaqin, Wadankiina uu Xaqal Qalin wada Siistay, saw Dawaro & Lacag Gurasho arintu maaha.
Madaxweyne Siilaanyo Taloow, Miyaanu Axaadiista dhegeysan in Waxarta aajo ugu bakhtida isaga la wey-
diinayo, Kolkuu Dawaro, & acag Urusi, uu kol kasta ku dhawaaqayo, isaga & Reerkiisa & Moorgan & Muhanad
& Weji-xun & Cali Mareexaan & Samsam ay Wadankii Wada Xaraasheen, soowada jaxaasteen, Debedaha &
Gudaba, Guryo, Acountyo ay Xaaraantii dhiil dhaansadeen, uu isna Warqad uu sito ka akhriyayo halays
caawiyo, Dhaqaale hala soo ururiyo, Xaalka Siilaanyo Waa Bakhayl Damac Yaqaanaw Dawarso, Dawlado
Shisheeya wax u doono.
Walee Nin agoon ku qaxday Qalin Khayr kama macaasho, Wakhti ay ku qaraxda Qaaxo kama fogaato.
aniga qoray, ee Siilaanyo, Aamina Weris, axamuud Xaashi, Moorgan, Cali areexaan, Samsam & Weji-xun
aduun Xaaraan dhaansade, Xaqii Umadii soo wada dabooshay, Dadkiina Sixir-barar, Gaajo, Haraad, Ilaahay
wuu ukala xaq qaadi, Xidig Nabadgelyana wey dhalan, Duugana waa la eegi halkay ku dambeeyaan.
Na qariyaay ayey ku dambayn, insha alla.
Wabilaahi Tawfiiq.

Asha Jama

Ashaa.J@live.nl